Imaaraadka oo xiriir dhow la samaysanaya dal neceb Muslimiinta (Hal ujeeddo oo gurracan oo uu ka leeyahay)

0

(Abuu Dabeey) 28 Juun 2020 – Wasiirradda Dowlaha Gaashaandhigga Imaaraadka iyo Giriigga ayaa sheegay inay xoojinayaan iskaashiga millateri ee ”ka dhexeeya” iyo wax ay ku sheegeen ”walaac amni oo ay wadaagaan”, sida lagu faafiyey Wakaalad Wareedka Imaaraadka ee Emirates News Agency (WAM).

Wasiirradda Dowlaha Gaashaandhigga Imaaraadka, Mohammed Bin Ahmed Al-Bowardi, ayaa soo wadaagey muuqaal uu kula jiro dhiggiisa Giriigga, Nikos Panagiotopoulos, kaasoo marka laga soo tago arrimo ku saabsan coronavirus-ka faafa ay sidoo kale kusoo qaadeen in iskaashi ciidan oo ay sameeyaan ay dani ugu jirto labada dal, iyaga oo soo qaaday arrimo heer gobol ah iyo kuwo caalami ah.

Caadiyan ma jirto dano istaraatiji ah oo iskugu jira labadan dal ama isbahaysi ay ku wada jiraan, balse waxaa la fahamsan yahay in uu Imaaraadku Giriigga u doonanayo inuu yahay dal ay cadaawad soo jireen ihi kala dhexeeyso Turkiga oo Giriigga gumaysanayey wax ka badan 300 oo sanadood.

Labada dal ayaa sidoo kale kasoo wada hor jeeda heshiiska Ankara iyo dowladda Libya ee GNA, iyada oo uu Giriiggu diiddan yahay inuu Turkigu saamayn ballaaran ku yeesho Bariga Badda Dhexe, halka uu Imaaraadku taageero Khaliifa Xaftar oo ay jab u gaysteen Ciidamada GNA ee uu Turkigu taageero.

Dalal u badan reer Galbeed oo Turkiga colaadiya sida Cyprus, France, Greece iyo Masar iyo Imaaraadka oo u soo raacay ayaa 12-kii bishii Maajo horay u cambaareeyey howlgallada Turkiga ee Bariga Badda Cad.

Markii intaa laga soo tago ma jiro xiriir diblomaasi oo diirran iyo taariikh ka dhexeeysa labada dal, kuwaasoo xiriirkoodii 1-aad yeeshay 1976-kii iyada oo ay Giriiggu Safaarad ka furteen Abuu Dabeey 1989-kii, halka ay Imaaraadku tooda ka fureen Athens bishii Nofeembar 2008-kii.

Giriigga ayaa nacayb iyo cunsuriyad sanadihii dambe u muujinayey Muslimiinta, gaar ahaan dadka qaxootiga ah, iyadoo ay sawirradu qabteen Ciidanka Ilaalada Xeebaha Giriiga oo isku deyaya inay gediyaan doonyo yar yar oo ay ku qaxayeen carruur iyo haween Muslimiin ah, qaar badana dib ayaa loo celiyey, iyadoo la gubey xeryo badan oo qaxooti, iyadoo aan Athens masjidyada laga jeclayn.

Hoos ka daawo barnaamij la yiraahdo ”Athens magaaladii bilaa masjidka ahayd.”

Hadalsame Media