Halyeey hore oo Man United ah oo wax ”fiican” u arka in kooxdu ay ka harto tartamada Yurub + Sababta (Daawo)

0

(Manchester) 13 Dis 2023 – Daafaca Rio Ferdinand ayaa aaminsan inay tahay wax fiican in Manchester United aysan hoos ugu dhici doonin Europa League kaddib markii ay xalay ka hartay Champions League.

Ololihii ugu horreeyay ee United ee tartanka koobabka ugu sareeya Yurub iyadoo uu hoggaaminayo Erik ten Hag ayaa durba guruubka ku dhamaaday kaddib markii ay Bayern Munich ku garaacday Old Trafford, halka Copenhagen ayaa garaacday Galatasaray iyadoo kusoo baxday kaalinta labaad ee Group-yada, halka Man U ku dhameysatay kaalinta ugu hooseysa guruubka.

Iyadoo mar horeba laga soo reebay Carabao Cup, fursada kaliya ee ay United ku heli karto koob xilli-ciyaareedkan ayaa hadda ah FA Cup ama Premier League..

Waxay hadda 10-dhibcood ka hooseeyaan hoggaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool waxayna la ciyaari doonaan Wigan wareegga saddexaad ee FA Cup bilowga Janaayo.

”Waxaan u malaynayaa in xaalad xun kiiskii ugu fiicnaa ay tahay inaad gebi ahaanba ka harto Yurub si aad diirada u saarto horyaalka oo aad dib u hesho ciyaartooy fayaqabta intii aad geli lahayd Europa League.” ayuu ku dooday Ferdinand oo falanqeeye ka ah TNT Sports.

Hadalsame Media