Gabar fanka ku cusub oo ka hadashay waxa ka jira arrin mar kasta laga sheego fanka

0

(Muqdisho) 15 Dis 2023 – Rooda Kayf waa mid ka mid ah hablaha ugu da’da yar, ugu na mudada kooban fanka cusub ee Soomaalida. Haddana, waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan iyada oo heesaa ah wax ka yar labo sano.

Wareysi ay siisay BBC waxay uga hadashay sida ay uga tagtay qareennimada ay baratay, iyo sida shilka ah ee ay ku bilowday inay heesto oo ay fanaan noqoto.

Gabadhan oo markii hore kusoo caan baxday dib-u-qaadista heesaha hablihii ugu caansanaa ee ugu saameynta weynaa fanka Soomaalida xilligooda ee Magool, Saado Cali, iyo Hibo Nuura oo ay kusoo bandhigi jirtay baraha bulshada ayaa markii dambe bilowday inay qaado heeso cusub oo aan horey loo qaadin.

‘Sida anniga oo aan fanaan ahayn lacag ugu helay in aan heeso’
Rooda Kayf muddo kooban ayay uga mid noqotay hablaha ugu caansan fanka Soomaalida xilligan
Rooda Kayf muddo kooban ayay uga mid noqotay hablaha ugu caansan fanka Soomaalida xilligan

Rooda Cabdirashiid Maxamuud oo ah gabadha aabbe dugsiyada sare ka dhiga gobolka Sanaag ayaa ka sheekeeysay sida uu fanka iyo heesaha ugu ahaayeen riyo carruurnimo, iyo hibo ku dhex nool ilaa carruurnimadeeddii.

Nafteeda iyo dad kooban ayay u heesi jirtay ka hor inta aysan usoo guurin dunida internetka iyo TikTok, halkaas oo shirkada ka ganacsatada soo-saarida barnaamijyada madadaalada ee Astaan ka arkeen islamarkaas na ka caashaqeen habka ay Rooda ugu luuqeyso heesaha gabdhihii hore masraxa Soomaalida, kuwaas oo aanan badidood laga heyn muuqaalo tayo leh oo heesahooda ah.

Xilligaas, Rooda waxay isaga mashquulsan tahay mihrad ganacsi oo gabdha lagu qurxiyo oo ay ka furatay magaalada Ceerigaabo kadib markii ay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaa goo ay ka baratay cilmiga qaanuunka iyo qareennimada.

‘‘Waxaan rumeysan waayay markii ay igu yiraahdeen lacag intee la eg ayaad inoogu duubeysaa afar hees oo kuwii hore ah,” ayay tiri Rooda oo la hadashay BBC.

Kolkaas ka hor, maalin kama heysan heesin fagaare iyo meel qalab heeso lagu tumayo ay yeelaan, kuwaas oo si rasmi ah loogu baahin doono bulshada.

Rajo iyo damac dhaqaale ayaa Rooda ka galay fanka.

‘‘Wada hadal iyo xiriir muddo socday kadib, waxay igula heshiiyeen inay kun doolar igu siiyaan afarta hees ee aan u duubayo.” Wixii markaas ka dambeeyay, heesahu waxay u noqdeen xirfad ay si maalinle ah ugu shaqeyso.

Fankeedii iyo heesaheeddii ku koobnaa TikTok wuu bulaalay, waxa uuna noqday mid wada gaara Soomaalid, si gaar ah jiilka cusub gees ka gees.

Kahor inta aysna heesaa noqon, Rooda waxay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaag oo ay ka baratay qaanuunka iyo qareennimada
Kahor inta aysna heesaa noqon, Rooda waxay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaag oo ay ka baratay qaanuunka iyo qareennimada

‘‘Anniga awal intaan fanka soo gelin waxaan isaga soo duubi jiray TikTok. Waa meesha ay dad badani ka aamineen inaan qaadi karo ama aan aad u soo dhaweeyn karo heesihii hore qaab qaadidooda,’’ ayay tiri.

Laakiin dadka qaar Rooda waxay ku dhaliileyn inay qalad ku gashay heesaha hore ee ay dib u qaaday, iyo inay xitaa meelaha qaar ay bedeshay erayadii rasmiga ahaa ee heesahaa, ogaal iyo ogaal la’aan ba.

Rooda oo wlei ganacsiga qurxinta gabdhaha na halkeeddii ka wada, qaladaadkaas way iska leexisay, iyada oo rumeysan inay magac iyo xushmo ku heshay dib-u-qaadida heesahii hore.

‘‘Annigu ba waan ka carroodaa mararka qaar ee aan arko qof heesihii hore si qaldan u qaadaya,” ayay tiri Rooda. Sidaas oo ay tahay, Rooda waxay ka mid ah tahay fanaaniinta kooban ee sida ugu dhow u keenay heesaha hablihii hore ee fanka Soomaalida.

Warbixino la xiriira fanaaniinta Soomaalida iyo sheekooyinkooda

‘Sida lacag looga sameeyo fanka iyo heesaha Soomaalida’

Rooda Kayf waxay fanka Soomaalida ku tilmaamtay in uu yahay mid ka mid xirfadaha lagu shaqeysto ee dhaqaalaha iyo lacagta ugu badan laga helo, iyo shaqo dadku aad ugu baahan yihiin oo dalabkoodu badan yahay.

Waxay diiday aragtida guud ee laga aaminsan yahay fanka Soomaalida ee ah in uu yahay xirfad sabool oo aan shilin laga helin, aragtidaas oo ku dhisan cilmi iyo sheeko dhegood laga hayo fanaaniintii hore iyo noloshooda.

‘‘Qofkii ka shaqeysiiya fnakiisa, waxa uu ka helayaa lacag aan caadi ahayn. Fanaanka ayay ku xidhan tahay meesha uu isgeeyo iyo sida uu wax ugu kordhiyo noloshiisa,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay dalabka fanaaniinta iyo xaflada aroosyadu inay badan yihiin, iyada oo habeenada laga waco inay ka heesto saddex ilaa afar xaflad aroos, kuwaas oo ay mararka qaar isu marto.

‘‘Waxaa lagaa wacayaa magaalooyin iyo dalal kala duwan, inkastoo qiimaha magaalooyinka ay kala duwan yihiin.”

Marka ay ugu yartahay, waxay habeenkii ay xaflad aroos tagto ka heshaa Kun doolar, iyada oo xitaa maalmaha qaar isu marta xaflado aroos oo ka kala dhacaya Muqdisho iyo Hargeysa.

“Marka aan isu maro dhowr xafladood waxaan helaa lacag u dhiganta kun doolar,” ayay tiri Rooda Kay foo farriin u dirtay dadka ku sheegta fanka Soomaalida in uu yahay xirfad sabool.

Rooda Kayf (midig) iyo Hibo Nuura (bidix) waxay ka mid yihiin hablaha ku cusub fanka Soomaalida kuwooda ugu caansan
Rooda Kayf (midig) iyo Habboon Nuura (bidix) waxay ka mid yihiin hablaha ku cusub fanka Soomaalida kuwooda ugu caansan

‘Dadka dhahaya lacag lagama helo fan aniga waan ka soo hor jeedaa. Lacag fiican ayaa ka helaa,”ayey tiri Rooda Kayf.

Laakiin sida ka caadiga ah qoysaska Soomaalida, waalidkeed lama jecleyn fanka, oo waxay doorbidayeen inay noqoto qareen ku shaqeeya xrifadii sharciga ee ay jaamacadda ka baratay.

Waa taas wehliya inay kasoo jeedo qoys uusan soo gelin raad heesaa iyo fan. Aabeheeh oo ah macalin dugsi sare waxa uu ku yiri:

‘‘Aabbe sidee ayeey u suuragaleysaa anigoo ubad soo saaraya oo macalin oo iskoolkii dhigaya adiguna inaad heesto? Way igu adag tahay inaan dad toosan soo saaro.’’

Se, waxay Rooda Kayf sheegtay in ugu dambeyn ay iska maslaxday aabbeed oo kula dardaarmay oo uu uga digay in aysan isku dhex hilmaamin fanka, oo uusan maqlin gabadhiisa loo sheegayo inay noloshii ka hartay.

BBC

Hadalsame Media