Shirkadda BECO oo loogu gooddiyey in maxkamad lala tiigsanayo & Waxa lagu eedeeyey (Daawo)

0

(Muqdisho) 14 Dis 2023 – Xil. Aways Axmed ayaa shirkadda Korontada BECO ee magaalada Muqdisho ku eedeeyey inaysan xil iska saarin badbaadada (safety) dadwaynaha.

Wuxuu sheegay in gabar uu abti u yahay oo deggan xaafadda Oodwayne ee Degmada Dayniile ay dab qabadsiiyeen baallayaan kusoo dhacay guriga taasoo keentay inay geeriyi ka dhacdo guriga.

”Gurigii wuu bas beelay, 2 gabdhood oo jaamiciyiin oo xaafidul Qur’aan ihina waa ku dhinteen. AUN cid ka hadashay ma jirto,” ayuu yiri Xil. Aways.

Wuxuu intaa ku daray in hooyadii gurigu ay tagtay Xafiiska Beco balse aan wax qiimayn ah loo muujin arrinkeeda. ”Damiir xumada aan la yaabay waxay tahay in maydkii gabdhaha oo yaalla ay inta yimaadeen bilaabeen inay baallayaashoodii samaystaan.” ayuu yiri.

Aways ayaa ballanqaaday inuu maxkamad la tiigsan doono shirkadda Beco haddii aysan ka gar bixin dadka dhibbanayaasha ah.

Xildhibaannada laftooda ayay fartu ku godan tahay maadaama aysan wax xeer ah kasoo saarin arrintan si loo dhowro badbaadada dadka qofkii ku dhintana loo magdhabo.

Hadalsame Media