Todobada sheey oo uu Nabigeennu NNKH nagula dardaarmay inaan isku dawayno

0

(Hadalsame) 14 Dis 2023 – Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay soo dejiyay dawada cudur kasta.

Muuqaalkan waxaan ku soo gudbinaynaa dawooyinkii rasuulkeenna suuban “NNKH” uu isku daweyn jiray ee uu nagala dardaarmay isticmaalkooda, dawooyinkaas oo caalamku waqti dambe ku baraarugay, daraasado badanna lagu sameeyay si loo hubiyo faa’iidooda, kadibna loo bixiyay magaca “Prophetic Medicine” oo macnaheedu tahay “Cilmigii Caafimaad ee Nabiga”.

Haddaba dawooyinkaas waxaa ka mid ah:

Malabka

Malabku waa dawo la hubo oo Alle iyo Rasuulkiisuba nagu booriyeen isticmaalkiisa, cilmiguna uu goor dhow bilaabay adeegsigiisa.

Waa mucjiso Rabbaani ah oo Alle inoo dhigay dunida, maalinba maalinta ka danbaysa waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadaan waxtar cusub oo aan horay loo ogayn.

Malabka waxaa ka buuxa faytamiinno, macdano, barootiinno iyo madooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah jeermiska, sunta iyo nabarowga jidhka ku samaysma.

Malabku waxa uu  xoojiyaa difaaca jidhka, waxa uu ka hortagaa laab jeexa, astaamaha hargabka ayuu yareeyaa, wuxuuna u fiican yahay caruurta qufaca la soo toosa habeenkii.

Cilladaha kale ee loo adeegsado malabka, waxaa ka mid ah boogaha caloosha ku samaysma, hurdo xumada, urta aan fiicnayn ee afka iyo dawaynta dhaawacyada iyo gubashada.

Xabbad sowdada

Rasuulkeenna suuban naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu inoo sheegay in xabad sowdadu ay tahay dawo ka hortagta cudur kasta inta ka ahayn geerida.

Waxyaabaha laga faaido isticmaalka xabad sowdada ee daraasadaha lagu arkay waxaa ka mid ah xoojinta difaaca jidhka, yareynta astaamaha xanuunka roomatiisamka, ka hortagga dhiig yarida, la dagaallanka boogaha caloosha ku samaysma, wanaajinta caafimaadka afka iyo ka hortagga cudurka neefta iyo xasaasiyadaha.

Toonta

Toonta waxay ka mid tahay dawo dhireedyada uu rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan xanuunada iskaga dawayno.

Sida ay sheegayaan cilmibaadhisaha caafimaad ee lagu sameeyey toonta, waxyaabaha laga faaido isticmaalkeeda waxaa ka mid ah; in ay dejiso dhiig-karka, in ay yareyso kolestaroolka xun ee loo yaqaanno LDL, si weyna ay kor ugu qaaddo caafimaadka iyo bad-qabka wadnaha.

Toontu waxa ay xoojisaa difaaca jidhka, waxayna si firfircoon ula dagaallantaa jeermisyada iyo noocyada kala duwan ee bakteeriyada.

Timirta

Timirtu waa nafaqo iyo dawo Alle u abuuray aadamaha. Rasuulku CSW wuxuu noo sheegay in haddi timirta 7 xabbo laga cuno ay sun iyo sixirba ka hortagayso maalintaas.

Waxaa kale oo Nabiga CSW laga wariyey xadiis macnihiisu uu ahaa; “guri aanay timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay.

Xasiiskan qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay.

Timirta waxaa ku jira faytamiin A oo siyaadiya awoodda aragga, kana hortaga cilladda indho beelka habeenkii.

Waxa ay u roontahay dheefshiidka, caloosha ayay jilcisaa, waxayna ka hortagtaa cudurka baabasiirka iyo kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn.

Caanaha geela

Caanaha geelu waxa ay ka mid yihiin dawooyinkii Nabigeennu SCW uu nagula dardarmaay inaan isku dawayno.

Caanaha geelu waa caanaha ugu caafimaadka badan dunida markii laga reebo caanaha hooyada.

Marka aynu si guud u eegno faaidooyinkooda waxaa ka mid ah la dagaallanka dhiig yarida, ka hortagga cudurka sonkorowga, awood siinta difaaca jidhka iyo dawaynta xanuunka awtiisamka.

Caanaha geelu waxa ay geli karaan beddelka cunnada iyo cabitaanka oo qofku keligood wuu ku noolaan karaa haddii aanu cunno kale haysan, jidhkuna wuu ka helayaa nafaqadii uu u baahnaa.

Saytuunka

Saytuunku waa geed barakaysan oo Alle SWT quraanka kariimka ah ku xusay, sunnada nabigana dahab ku ah.

Nabiga CSW waxaa laga wariyay xadiis macanahiisu ahaa: “Cuna, kuna duuga jidhkiina markaad heshaan maadama uu yahay geed barakaysan”

Saliida laga sameeyo midhaha saytuunka waa mid nafaqo iyo caafimaad xambaarsan, waxaa lagu tiriyaa saliidaha ugu caafimaadka.

Faaidooyinka saliid saytuunta waxaa ka mid ah:

  • Waxaa ka buuxa dufanka omega3 kaas oo kordhiya kolesraroolka fiican ee jidhka
  • Waxa ay kobcisaa xasuusta iyo shaqada maskaxda waxayna ka hortagtaa cudurka xasuusta lumiya ee “Alzheimer”.
  • Waxa ay uroon tahay caafimaadka maqaarka iyo timaha
  • Waxa ay ka hortagtaa cudurka kansarka noocyadiisa ku dhaca mindhicirrada iyo naasaha.

Barida Idaha

Barida idaha wuxuu Nabigu SCW ku dawayn jiray xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaca ee loo yaqaanno “sayaatika”

Dawooyinka kale ee rasuulkeenna naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay waxaa ka mid ah toobinta, geedka cadayga, biyaha zamzamka iyo geedka loo yaqaanno Qustul Hindiga.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media