Waxyaabaha kordhiya tayada & Tirada shahwada ee muhimka u ah dhalmada + Caafimaadka ilmaha dhalanaya

0

(Hadalsame) 11 Dis 2023 – Warbixinteenna maana waxaan kaga hadlaynaa waxyaabaha shahwada raga badiya tirada (sperm count) iyo tayada iyo waxyaabaha yareeya.

Dhalmo la’aanta ragga waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay caqabadda ugu wayn ee soo wajahda lammaanaha doonaya inay ilmo dhalaan. Inkastoo sababo kale ay keeni karaan dhalmo la’aanta ragga, haddana sababta ugu wayni waa tirada shahwada ragga oo hoosaysa. Caafimaadka iyo qaab nololeedka waxay saamayn wayn ku leeyihiin tirada shahwada ragga. Sidoo kale sigaarku waxuu yareeyaa tirada iyo awoodda shahwada.

Rag badan oo cuna qaadka ayaa la ogaaday inuu ka khalkhalo ama kaba tago dareenka kacsiga. Qaadka ayaa la rumaysan yahay inuu faragalin ku sameeyo tayada shahwada ragga taasoo keeni karta madhalaysnimo.

Saamaynta cuntada iyo qaab nololeedku ay ku leeyihiin dhalmo la’aanta ragga

Haddii cunno qaadashadaada ay ku badan yihiin cunnooyinka warshadaysa,n macmacaanka, saliidaha caafimaadka u daran waxay si wayn hoos ugu dhigaysaa tirada shahwadaada, sidoo kale fadhiga badan iyo jimicsi la’aantu waxay yaraynayaan xaddiga iyo tayada shahwadaada.

Haddii adiga iyo xaaskaaga aad isku dayseen inay uur qaado, balse biyahaagu ay yaryihiin, isbedel aad ku samayso cunnadaada iyo qaab nololeedkaaga adigoo ku daraya cunnooyinka shahwada badiya iyo jimicsiyo ayaa wax wayn kuu tari karta. Waa kuwaan cunnooyinka shahwada badiya:

Koostada

Khudaarta caleemaha cagaaran sida koostada waxay qani ku yihiin maadada folic acid, taas oo kordhisa caafimaadka iyo dhaqdhaqaaqa shahwada. Cunistada koostada oo la joogteeyo waxaa la aaminsan yahay inay badiso shahwada.

Ukunta

Ukuntu waa mid ka mid ah ilaha ugu fiican ee laga helo barootiinta. Ukuntu waxay u wanaagsan kordhinta shahwada. Barootintu waxay ka mid tahay waxyaabaha ay shahwadu ka kooban tahay, cunista barootin tayo leh waxay kor u qaadaa tirada shahwada.

Shukulaatada madow

Sonkorta cad waa cadowga koobaad ee shahwada. Dhinaca kale, shukulaatada madow, waxaa ku badan asiidhada amino, waxay kor u qaadaa tirada iyo tayada shahwada.

Toonta

Toontu waxay ka mid tahay cunnooyinka ragga uroon, waxaa ku jiro waxyaabo kordhiya tirada shahwada. Toonta waxaa ka buuxo fitamiin B6 iyo selenium oo ka hortago in waxyeello soo gaarto shahwada.

Mooska

Moosku wuxuu qani ku yahay fitamiinnada A, B1 iyo C, cuntiisa oo la joogteeyana waxay kor u qaadaa tirada iyo tayada shahwada.

Lawska

Lawska waxaa ka buuxo dufanka omega 3 kaas oo kordhiya qulqul wareegga dhiigga ee xiniinyaha taas oo badinaysa shahwada.

Rummaanka

Geedka rummaanka wuxuu ugu horreeya cunnooyinka kordhiya hammada, wuxuu kaloo kordhiyaa xawada iyo tayada manida. Rummaanka waxaa ku badan walxaha sunsaarista kuwaas oo kor u qaada heerka hormoonka testosterone, hagaajinaya tayada manida, islamarkaana kordhiyo rabitaanka galmada.

Lohodka (Oysters)

Lohodka waxaa ku badan macdanta zinc oo muhiim u ah soo saarista shahwo caafimaad qabta iyo heerarka testosterone. Macdanta zinc oo jirka ku yaraata waxay keentaa dhalma la’aanta ragga.

Cunnooyinka lagu kabay fitamiin D

Daraasado dhowr ah oo la sameeyay ayaa iftiimiyay in jirka oo heli waaya fitamiin D iyo kalsiyaam ku filan ay keeni karto in shahwadu ay yaraato. Sidaas darteed fitamiin D iyo kalsiyaam kugu filan oo aad heshaa keliya ma kobcinayso caafimaadka lafaahaaga balse waxay kaloo kordhinaysaa tayada iyo tirada shahwadaada.

Kalluunka Salmon

Kalluunkan wuxuu ka mid yahay cunnooyinka badda kuwa ugu caafimaadka badan. Waxaa ka buuxo dufanka omega 3, sidoo kale waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin B iyo fitamiin D kuwaas oo sare u qaadaya tirada iyo tayada shahwada.

Qaab nololeedyada badiya shahwada:

Jimicsiga

Jimicsigu wuxuu xal u yahay xaalado badan oo caafiimaad. Wuxuu caawin karaa kordhinta shahwada. Waxaa la ogsoon yahay in jimicsiyada fudud sida orodka ay saamayn togan ku leeyihiin tirada shahwada.

Jooji sigaarka

Sigaarku waxa uu yareeyaa soo saaridda shahwada raga wuxuuna keeni karaa in kansar uu ku dhaco xaniinyaha ragga.

Iska yaree cayilka

Waxaa la aaminsan yahay in cayilka badan oo hoos u dhigi karo tirada shahwada, sidaas darteed miisaanka oo la iska dhimaa waxay ka qayb qaadan kartaa caafimaadka shahwada.

Ka fogow dhafarka badan

Cilmibaaris lagu sameeyay rag kala duwan ayaa muujisay in ragga seexda 8-da fiidnimo illaa 10-ka habeennimo ay shahwadoodu ugu dhaqdhaqaaq wanaagsan tahay taas oo macnaheedu tahay in shahwadoodu ay ka dabaallasho fiican tahay islamarkaana ay kaga wanaagsan tahay fursadda ay ku bacrimin karto ukun.

Dhinaca kale, ragga seexda 12-ka habeennimo iyo wixii ka dambeeya ayaa la ogaaday in tirada shahwadoodu ay ka hoosayso ragga fiidkii seexda.

Maaree walwalka

Walwalku wuxuu ka mid yahay sababaha ugu caan ee keena shahwo yarida ragga, maadaama uu faragelin ku sameeyo hormoonnada muhiimka u ah soo saaridda shahwada. Daraasado dhowr ah ayaa tilmaamay in walwalku uu khatar ku yahay tayada xawada iyo manida isagoo saameeya muuqaalka shahwada iyo awoodda bacriminta.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media