Ingiriiska oo malaayiin Doollar ku bixinaya Somalia (Mashruuc wayn oo laga hirelinayo Maamul Goboleedka….)

0

(Muqdisho) 13 Dis 2023 – Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobey (FAO) iyo Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya $43.8 milyan oo Doollar kaasoo lagu fulinayo mashruuc lagu dhimayo khatarta fatahaadaha iyo yaraynta saamaynta abaaraha Soomaaliya.

Mashruuca Soo Celinta Nidaamyada Degaanka ee Webiyada ee La qabsiga Cimilada (RESTORE), waa qayb ka mid ah Barnaamijka Kaydinta Offstream ee Jowhar (JOSP), kaasoo ay isna ku baxayso $140 milyan oo Doolar waana hindise ah oo lagu doonayo in lagu dayactiro keliyo ballaaran oo waraab ah si loo yareeyo khatarta fatahaadda waxna looga qabto abaaraha Laban gobol ee ka tirsan Maamul-goboleedka Hirshabeelle, kaasoo lagu beegsanayo caawinta 1.5 milyan oo qof.

Mashruucan oo ay maalgelisey Britain ayaa waxaa fulinaysa FAO, Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan degaanka ee UNEP, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, iyo World Vision International-Soomaaliya oo kaashanaya Dowladda Soomaaliya.

Madaxa horumarinta ee Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, Damon Bristow, oo ka hadlay furitaanka mashruucan ayaa yiri “Mashruucan cusubi wuxuu muujinayaa sida ay UK uga go’an tahay inay taageerto dalalka aadka ugu nugul saamaynta isbedelka cimilada.

JOSP iyo RESTORE waxay u taagan yihiin hindisayaashii ugu horreeyey ee noocan oo kale ah ee laga fuliyo Soomaaliya, iyagoo raadinaya in si joogto ah wax looga qabto waxyaabaha keenaya nuglaanshaha, kor u qaadista isbeddelka dhinaca wax-soo-saarka waara iyo isku-filnaanta iyadoo la taageerayo nabadda, xasilloonida, iyo wada-jirka bulshada meelaha ay saameeyeen iskahorimaadyadu.

Hadalsame Media