”Soomaalidu waa dad qallafsan” – Maxaa kala qabsaday wefdi ka socdey Somalia & Wasiir Dibadeedkii Henry Kissinger? + Sawirro hore

0

(Hadalsame) 01 Dis 2023 – Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Henry Kissinger, oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda xilligii dagaalkii qaboobaa, ayaa geeriyooday isagoo 100 jir ah.

Waxa uu soo noqday dublamaasiga sare ee Maraykanka iyo la-taliyaha amniga qaranka xilligii labadii madaxweyne Nixon iyo Ford. In kasta oo uu xafiiska ka tagay bartamihii 1970-meeyadii, waxa uu sii waday in uu talo siiyo jiilal hoggaamiyeyaal ah tobanaan sano oo xigay.

Kissinger oo ku dhashay Jarmalka ayaa goor dambe oo arbacaddii ah ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal Connecticut. Lama shaacin sababta geeridiisa.

Waxa uu ahaa mid ka mid ah wasiiraddii arrimaha dibeda ee ugu saameynta weynaa dunida, si gaar ah intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa.

Waxa uu la kulmay madaxweyneyaal kala duwan, isaga oo booqday Muqdisho islamarkaas na la kulmay hoggaamiyihii kacaanka Soomaaliya Janaraal Maxamed Siyaad Barre. Marar kale na, waxa uu madax Soomaali ah kula kulmay gudaha Mareykanka.

Mid ka mid ah kulamadaas oo dhacay bishii Oktoobar, 1976 waxa uu la yeeshay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Xuseen Cabdulqaadir Kaasim, Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Biyaha.

Kulankaas waxa uu dhacay wax yar kahor inta uusan bilaaban dagaalkii xooganaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya 1977dii.

Wixii dhexmaray Kissinger iyo wafdiga Soomaalida

Xuseen Qaasim iyo Kissinger waxay ku kulmeen New York
Xuseen Qaasim oo la kulmay Kissinger, waxa uu mar ka mid ahaa ragga ugu saameynta weyn xukuumaddii kacaanka.

Kulanka oo ka dhacay hotel uu Henry Kissinger ka degan yahay magaalada New York waxa uu dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka Kissinger, oo ay wehliyaan labo sarkaal oo sare oo ka tirsan wasaaradiisa, iyo wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdulqaadir Qaasim, oo ay wehliyaan Danjire Cabdulaahi Axmed Cadoow oo Soomaaliya u fadhiyay Mareykanka, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda, iyo sarkaal kale oo Maxamed Maxamuud lagu magacaabay. Kulanka waxa uu dhacay xilli ay sii kordheysay xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya, kahor dagaalkii 77. Hoos ka akhri dooddii dhexmartay labada dhinac oo kooban.

KISSINGER: Waa maxay macnaha “Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda”?

QAASIM: Anigu waxaan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, laakiin waxaan dowladda ku matelaa tiro shirarka caalamiga ah.

CADOOW: Waa wasiirka arrimaha dibadda, daahsoon.

KISSINGER: Waxaad tihiin wadan yar, oo aan haddana laga waayin wararka.

QASSIM: Wax walba waxay ku xiran yihiin sida dabayshu u dhacayso. Ma annaga ayaa wararka abuurna, mise kuwa kale ee sameeya xaaladda nagu qasbeysa in aan tilaabo qaadno. ?

KISSINGER: waa sidee xaalada xiriirkeenna?

QAASIM: Waxaan jeclaan lahaa inaan ka faalloodo taas. Waxaan aaminsanahay inay jirto fursad wax lagu hagaajin karo.

KISSINGER: waan kugu raacsanahay.

QAASIM: Haa, waxaad xustay qodobo wanaagsan intii lagu gudo jiray qadada. Wax baad ka baranaysaa Afrika.

KISSINGER: Wax badan ayaan ka bartay daawashada siyaasadda Afrikaanka. Idinka Soomaalida ah waxaad tihiin dad qalafsan tihiin. Taas ulama jeedo sida a

dhaleeceyn, laakiin waxaad ciyaareysaa siyaasad adag.

QAASIM: Qalbigeena iyo maskaxdeenna ayaan ka hadalnaa.

KISSINGER: Ma rumaysni in dawladaha Afrika oo dhan ay yihiin cadaw, laakiin haddii aad eegto ficillada Dowladda Soomaaliya, marna la idinku ma tilmaami karo dhex-dhexaad. Arrin kasta oo caalami ah waad nagaga soo horjeedaan.

Ma khaldami karno mar walba.

QAASIM: Aragtideennu waa in Soomaaliya iyo Mareykanku wada yeeshaan xiriir aan lahayn dareen cadaawad. Su’aalo gaar ah ama siyaasado, arrin ku saabsan

xukunku wuu galaa oo dhammaan hadalladayadu maaha kuwo colaadeed. Annagu waxaan nahay dhexdhexaad.

KISSINGER: Waxaad tiri cadaawad ma jirto, haddana marwalba waad naga soo horjeesataan, oo xitaa mararka qaar waxaad sameysaan waxyaabo wax noo dhimayo.

QAASIM: Taasi sawir cadaalad ah kama bixineyso arrinka. Waxaan ula falgalnaa ficilada Mareykanka sida ay noo saameynayaan annaga iyo gobolkeena ba. Jiritaankeenna qaranimo ayaa khatar ku jira. Ficiladiinu na marna ma muujin dhex dhexaadnimo.

KISSINGER: Tusaale ma isiin kartaa?

QAASIM: Soomaaliya waxay soo martay sooyaal gumeysi oo nasiib darro ah. Xataa ka hor intaanay Soomaaliya xornimada qaadan, waxaad heshiis la gashay Itoobiya. Waxaan aragnay hub ku socda Itoobiya oo aan -aaminsanahay in uu wax u dhimayo xiriir wanaagsan ooka dhexeeya

Somalia iyo Ethiopia. Waxaan aaminsanahay in xiriirkeena la hagaajin karo, laakiin hubka aad dirtaan iyo borobogaandada aad sameyneysaan caawin maayaan arrimaheenna. Waxaan aragnay hadalka Xoghayahiina Difaaca.

KISSINGER: Waa maxay sababta aan ugu maleyneyno inaad leedihiin ciidan iyo qalab ka badan kan Itoobiya?

QAASIM: Taasi waa qalad. Itoobiya way naga xoog weyn tahay. Waxaad nagu qasbeysaa inaan dhisno ciidan. Idinku ma Aydan qaadan door xal-raadin ah.

KISSINGER: Waxaad rabtaa qayb ka mid ah Itoobiya.

QAASIM: Maya, waxaan rabnaa xorriyad qayb Itoobiya ah oo dadkeena ay leeyihiin.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo mareykanka oo kulmay
Maxamed Siyaad Barre oo la kulmaya madaxweyne Reagan oo bedelay maamulkii uu ka tirsanaa Kissinger.

KISSINGER: Markaa cadaawad baad wadi doontaan ilaa aad ka heshaan dhulkiinna intiisa kale.

QAASIM: Aan si kale u dhaho. Kama hareyno xuquuqda dadkeena iyo qarankeena.

KISSINGER: Waxay nala tahay in aad ka hub badan tihiin Itoobiya. Malaha xogta sirdoonkeenna ayaa qaldan. Waxaan se aragnaa inaad hesho tiro badan oo hubka Soofiyeedka ah.

QAASIM: Waxaa nalagu soo duulay 1963 iyo 1964. Itoobiya ayaa taariikh ahaan naga ciidan badan dhanka tirade iyo qalabka ba. Qalad baad ka fahanteen xaaladda. Bal u fiirso waxaad samaysay abaarteennii.

KISSINGER: Talcott, maxaan samaynay?

SEELYE: Waxaan bixinay gargaar.

QAASIM: Haa, laakiin waxaad sheegtay in aan saldhig u nahay Soofiyeedka. Waxaan casuunay goobjoogayaal si ay u arkaan oo u qiimeeyaan arrinkaas.

KISSINGER: Taasi waa sax. Oo kulligood waxay xaqiijiyeen warkaas– xataa kuwii bilowgiiba diidanaa. Waxay ku qanceen inaad saldhig Soviet aad martigelisaan.

QAASIM: ma aaminsantahay arrinkaas

KISSINGER: Waxaan rumaysanahay inaan ka badbaadi karno waxyeelo naga soo gaarta saldhigga Soofiyeedka ee Soomaaliya, laakiin waxaan filayaa in ay ku xiran tahay in la isla fahmo waxa saldhig ah.

Haddi aad ku qeexdo saldhig meel ciidamada militariga ayay joogaan, qalabkoodu na yaalo, taasi waa saldhig.

QAASIM: Waxaad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato dabeecaddaha dadkayaga. Marna ma ogolaanayno saldhig shisheeye. Ma leh saldhig iyo meel adeeg oo shisheeye. Waxaan aragnay sawiradiinna dayax gacmeedyada oo aad tiraahdeen gantaalo ayaad heysataan. Waan eegnay eedeyntaas, oo waxaan ogaanay in waxa aad ugu yeertiin gantaalo inay yihiin minaaradaha masaajidda.

KISSINGER: Waxaa laga yaabaa inaad tahay dad khiyaano badan oo aad gantaalada ku qarisaan minaarada.

QAASIM: Waxaan u furnay masaajida si ay kormeerayaashu u booqdaan. Ma hayno lacag aan ku iibsano gantaalada.

KISSINGER: Ma aaminsanin inay yihiin gantaaladiinna. Laakiin, aan intaas uga harno. Wax cadaawad ah uma qabno Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu aragnaa in aad naga soo horjeesataan gole kasta oo caalami ah. Waxaad ka hortimaadeen hindisahayada koonfurta Afrika.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta kuwa na dhibaya anaguna waxay ka shaqaynayaan nabadda. Waxaan diyaar u nahay inaan hagaajino xiriirkeena. Ma diidinin sheegashadiinna dhuleed haddii aydan xoog u isticmaalin xallinta khilaafaadkaas.

QAASIM: Waxaa jirta sabab aan u wanaajino xiriirkeena, iyo waxaa na laga yaabaa inay jirto fursad sidaas lagu sameeyo. Waxaan u baahanahay inaan mid ba kan kale si cad uga fahmo mowqifkiisa. Wada tashi ayaa naga maqan. Dhexdhexaadnimada Maraykanku kuma filna. Waxaan rabnaa inaad ciyaarto doorka firfircoon ee xalinta dhibaatooyinkeena.

BBC

Hadalsame Media