XOG: Waa maxay qorshaha uu RW hore ee Xasan C Khayrre Muqdisho u yimid?

0

(Muqdisho) 01 Dis 2023 – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayrre, ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho, xilli uu dhismayo mucaarad xooggan oo kasoo horjeeda qorshe uu wado MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Khayrre ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka, senatarro, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kale.

Sida xogta lagu helayo, imaatinka Khayrre ee magaalada Muqdisho ayaa salka ku haya kulan la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiin miisaan culus leh oo diifdan in wax laga beddelo dastuurka dalka, sida uu doonayo MW Xasan Sheekh, kaasoo la sheegay inuu keeni karo qaaquullo siyaasadeed. 

MW Xasan ayaa la sheegay inuu doonayo in laga wareego qaabka MW & RW balse taa biddaalkeeda, la sameeyo MW iyo MX, balse uma muuqdo nin qorshahaa ka iibiyey saamileeyda siyaasadda, amaba u maray geeddi socodkii caadiga ahaa sida in Baarlamanka la geeyo oo ay si xor ah uga doodaan kaddib afti shacab loo qaado.

Xubnaha siyaasiyiinta ah ee arrinkan diiddan ayaa waxaa ka mid ah Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayrre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo xubno kale, oo dhammaantood Xasan Sheekh kula mideysnaa isbahaysiga mucaaradka ahaa markii uu Madaxtooyada fadhiyey MW hore Farmaajo.

Weli lama cayimin taariikhda shirka, yeelkeede, ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in mas’uuliyiin tillaabadan u arka khatar siyaasadeed ay tillaabadan aad uga hor yimaadeen, iyagoo u arka isku day uu kaligii iska wato MW Xasan Sheekh.

Waxaan weli xog laga haynin meesha uu shirkan ka taagan yahay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo fadhiggiisu yahay magaalada Doha ee dalka Qadar, waloow uu horay uga soo horjeestey qorshahan.

Hadalsame Media