Dowladda Ingiriiska oo lagu haysto inay ku dheggan tahay qayb ka mid ah lacagtii lagu iibiyey Chelsea (Maxaa loogu tala galay?)

0

(London) 14 Dis 2023 – Dowladda UK ayaan weli fasixin dhaqaalihii kasoo xarooday iibkii sanadkii hore ee kooxda kubadda cagta Chelsea, taasoo loogu talagalay dadka reer Ukraine ee la ildaran dhibaatada ka dhalatay weerarka Ruushka, sida ay qireen mas’uuliyiinta Britain.

Waxay eedda saareen “khilaaf jira” oo kala dhexeeya hay’ad samafal ah, in kasta oo masuuliyiintu aysan shaaca ka qaadin haddii laga yaabo in milkiilihii hore ee Chelsea Roman Abramovich uu yahay kan xannibay lacagta.

Ganacsadaha Ruushka ah ee Abramovich ayaa dhamaystiray heshiis £4.25 bilyan oo gini ah ($5.3 bilyan) oo uu kooxdiisii kaga iibiyey dallad maalgashadayaal Maraykan ah bishii Maajo 2022, kaddib markii ay cunaqabatayn kusoo rogtey Dowladda UK sababo la xiriira sida uu ugu dhow yahay Kremlin-ka.

Maalqabeenka, oo beeniyay sheegashadan, ayaase sheegay waqtigaas in dhaqaalaha ka soo baxa loo isticmaali doono “dhammaan dhibanayaasha dagaalka Ukraine.”

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Yurub ee Britain, Leo Docherty, ayaa u sheegay Guddiga Arrimaha Yurub Talaadadii in 18 bilood kaddib, “dakhliga kasoo baxay iibka ee arrintan loogu tala galay lagu xayiray khasnadda bangi UK ah” oo aanu carrabaabin.

Docherty wuxuu ku andacoodey in DOwladda UK iyo hay’adda samafalka ee la aasaasay intii lagu jirey iibinta Chelsea ay asal ahaan isku khilaafeen arrinta ku saabsan in dhaqaalaha “loo isticmaalo gudaha Ukraine ama dadka reer Ukraine ee ku dhaqan meel ka baxsan Ukraine.”

Dawladda UK waxay door wayn ku lahayd in la qaato dookha hore, ayuu raaciyey isagoo xusay inay taasi cakirnaanta keentay.

Hadalsame Media