Abaalka aan duugoobin ee ay Somalia u gashay Sinead O’Connor + Qaddiyadeedii waynayd

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2023 – Markii ay aragtay muuqaallada laga baahiyey macluushii Soomaaliya ka dhacday 1992-dii ee “Cagabararka” loogu magac daray ayey ku deeqday in la iibiyo guri ay lahayd oo xilligaa qiimihiisu ahaa $750,000.

Iyadoo TV Maraykan ah ay malaayiin si toos uga daawanayaan ayey jeexjeeday sawirka Baaadiraga ugu waynaa Diinta Kirishtaanka (John Paul II), waxayna daba dhigtay

“La dirir cadawga runta ah”.

Sinead O’Connor waxay ahayd Fanaannad u dhalatay dalka Ireland, Sagaashamaadkii ayuu fankeedu dunida qabsaday. Fanka waxaa u wehliyey in ay ahayd qof aan runta ka gaban, codkeedana inta dulman ugu hiilisa oo waxaa laga hayaa in ay tiri;

“Ku tala gal igama aha in aan mushkilad abuuro, laakiin inta badan way dhacdaa in ficilladaydu xasarado kiciyaan, waanse ku faraxsanahay in aan dhibleey ahay.”

Abaalmarinta caalamiga ah ee la yiraahdo Garrmy Award ayey dhowr jeer iska diiday, iyadoo ku sheegtay in aan garsoor xaq ah lagu bixin.

Heesaheeda qaarkood mudaaharaad oo kale ayey ahaayeen. Mar laga sugayey in ay qaado mid ka mid ah heesaha caanka ah (Nothing compares to you), Cid kula dhigmaan jirin, ayey masraxa kaga rogtay heestii “War” ee cunsiriyad la dirirka ahayd ee uu qaaday heesaagii waynaa ee Bobe Marley.

Allaha u naxariisto Sinead O’Connor sanadkii 2018 ayey soo islaantay, waxayna la baxday Shuhada Sadaqa. Waxay tiri markii aan Juzka labaad ee quraanka aqriyey waxaan dareemay iyo hoygaygii helay, oo aan weligayba Islaam ahaa.

W; D: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hadalsame Media