Sidee Somalia loogu yeeshay daynta maanta laga cafinayo ee balaayiinta doollar ah?

0

(New York) 13 Dis 2023 – Magaalada Washington waxaa maanta la filayaa in looga dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyey deyntii sanooyinka badan lagu lahaa.

Munaasabadaas darteed ayaa waxaa halkaa u tegey madax ka tirsan dawladda Soomaaliya oo madaxweynuhu ugu horreeyo, horena waxaa u sii joogay wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo kulamo gogol xaar ah ka waday.

Washigton waa magaalada ay ku yaallaan xarumaha waaweyn ee bankiga adduunka iyo hay’adda IMF. Howshaas deyn cafinta ayaa soo bilaabatay 2014kii intii lagu gudo jiray muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Deyn cafintu waxay markii ugu horreysay ku bilaabatay mideynta dakhli ururinta wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, diiwaangelinta iyo dib-u-habeynta iyo u-awoodsiinta bankiga dhexe. Xasan Aadan Xoosow oo ah Lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in ‘deyn cafintu ay mareyso heer gebogebo ah’.

Sidee loogu yeeshay deynta Soomaaliya?

Deynta lagu leeyahay Soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo doolar. Waxaa la amaahday soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada. Laakiin deynta ugu badan waxaa la galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii. Waa intii askartii xukunka boobtay ee kacaanka ay hayeen talada dalka. Waxay isugu jirtaa dhaqaale lagu fuliyay mashaariic la xiriira beeraha iyo xoolaha, iyo xitaa dhismeyaal, Iyo, qeyb la rumeysan yahay in loo adeegsaday arrimo siyaasadeed, iyo howlo ciidan iyo dano shaqsi.

Tirada ugu badan ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya waxaa loo arkaa inay tahay lacag aruurtay oo dulsaarkeedu koroyay saddex iyo lixdankii sanno ee ugu dambeeyay. Deynta rasmiga ah waxaa lagu qiyaasayaa labo bilyan oo doolar. Inta kale waa ribo ku kordheysay sanad ba ka uu ka dambeeyay.

Haddaba, yaa ku leh Soomaaliya deynta?

Lacagtan deynta waxaa Soomaaliya ku leh dalal dhowr ah oo ku kala jira isbaheysiyo dhaqaale oo kala duwan. Dalalka bahoobay ee deynta leh waxaa ka mid ah kuwa ku mideysan Naadiga Baariis. Xubnaha naadigan ee deynta leh waxaa ugu horreeya Mareykanka, waxaa soo raaca Ruushka, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Qof xawaalad ka shaqeeya oo lacag tirinaya
Qof xawaalad ka shaqeeya oo lacag tirinaya

Mareykanka oo keliya waxa uu Soomaaliya ku leeyahay qiyaastii 20% boqolkii ba deynta oo dhan. Waxaa lacag dhan hal bilyan oo doolar. Halka deynta Ruushka ay u dhiganto 13% boqolkiiba deynta shanta bilyan ah. Waxay u dhigantaa qiyaastii Lix boqol iyo kontan Milyan oo doolar.

Talyaaniga na waxaa u diiwaangashan deyn dhan Shan boqol iyo kontan milyan oo doolar oo u dhiganta 11% boqolkiiba deynta lagu leeyahay Soomaaliya. Deynta Faransiiska waa 8% boqolkiiba oo u dhiganta Afar boqol oo milyan.

Dalalka kale ee Soomaaliya deynta ku leh waxaa ka mid ah dalalka carabta. Sacuudiga, Imaaraatka, Ciraaq, Kuweyt, iyo ururo carbeed iyo kan ururka dalalka shidaalka soo-saara ee Opec. Wadarta guud ee deymahaas waxaa lagu qiyaasayaa Sagaal boqol oo milyan oo doolar. Deynta dalalka carabta iyo ururada kale waxay u dhigantaa 18% boqolkiiba wadarta guud ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Daynta iyo dakhliga gudaha

Deyntan waxay boqol iyo toban jeer ka badan tahay dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. Khuburadda dhaqaalaha waxay sheegayaan in deyntan la iska bixiyo waxay qaadan kartaa sanad dhan oo la ururiyo dhaqaalaha dowladda iyo dalka iyo xitaa qof walba oo Soomaali ah soo gala, iyada oo aan hal shilin wax kale loo adeegsa, marka loo eego dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. “Ma ahan wax la awoodi karo in sidaas loo bixiyo. Wax badan oo horumarinta dhaqaalaha ah iyo karaamada qofka Soomaaliga ah ayaa nooga xiran deyn cafinta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’addaha maaliyada Soomaaliya ee ku lugta leh deyn cafinta.

Suuq lacagaha lagu kala bedelo
Suuq lacagaha lagu kala bedelo

Dadka jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa shan iyo toban milyan oo qof. Haddii deyntaas loo qeybiyo dadka Soomaaliya waxaa qofwalba lagu yeelanayaa lacag deyn ah oo dhan saddex boqol iyo kontan doolar. Waa lacag wax yar ka yar dakhliga uu heli karo qofkii ba 12 bilood oo dhan.

Hadda, Soomaaliya waxay heystaa balanqaad ah in deymaha ugu yaraan qeyb laga cafin karo. Laakiin waa inay buuxisaa sharuudaha deyn cafinta oo dhan. Qaar baa la hirgeliyay sharuudaha laakiin waxaa dhiman kuwa loo arki karo inay yihiin kuwa ugu adag. Waxaa ka mid ah in la hirgeliyo canshuur mideysan oo laga qaado dekedaha iyo garoomada Soomaaliya oo dhan.

BBC

Hadalsame Media