”Waxay ahayd inuu kallarka ku dhego!” – Halyeeygii Arsenal oo ka xumaaday arrin dhexmartay laba laacib oo Man Utd ah

0

(Manchester) 10 Dis 2023 – Halyeeygii Arsenal ee Ian Wright ayaa waxa uu aaminsan yahay in Rasmus Hojlund ay tahay inuu kallarka ku dhego Diogo Dalot markii ay tageen qolka lebiska’ kaddib markii uu difaacu kubbad gool noqon kartey ka xaasidey laacibka reer Holland kulankii Bournemouth Sabtigii.

United ayaa weji gabax kala kulantay kooxda Cherries oo weliba joogtey Old Trafford iyadoo kooxda Andoni Iraola ay u dabaaldegaysey guushii 3-0 ahayd ee ay ka gaareen kooxda Erik ten Hag.

Hojlund ayaa weli sugaya goolkii ugu horreeyey ee Premier League tan iyo markii uu dhamaystiray £72milyan oo ginni oo uu kaga yimid Atalanta xagaagii.

20-sano jirkaan ayaa kursiga kaydka la dhigay bilowgii kulankii Bournemouth, iyadoo Ten Hag uu doorbiday inuu booskiisa kusoo bilaabo Anthony Martial oo aan bandhig ahaan weliba ash ahayn, taasoo aysan ku farxin taageerayaasha gudaha Old Trafford.

Waxaase ka daran markii weeraryahanka Danish-ka ah loo diiday fursad uu ku dhalin lahaa goolka barbaraha kaddib markii uu iska dhega tiray Dalot.

Weeraryahanka Danishka ayaa ku xanaaqay Diogo Dalot kaddib markii daafacu uu doortay inuu toogto goolka halkii uu baaska siin lahaa Hojlund oo taagnaa boos ku qaabsan in gool la dhaliyo.

The Danish striker fumed at Diogo Dalot after the defender chose to shoot rather than square a pass in the game

Hadalsame Media