Yaa haya Furaha KACBADA goorma ayaase loo dhiibey? (Macluumaad muhim ah)

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2023 – FURAHA KACBADA YAA HAAYA? Qusay ibnu Kilaab Al-Qurashi waxa uu ahaa ninkii Quraysh isku soo ururiyay, qabaa’ilkii kale ee ay Cadnaaniyiinta isku ahaayeenna u kaashaday in uu Makka ka xoreeyo qabiilkii la oran jiray Khuzaaca oo boqolaalka sano ku amar-ku-taagleynayay Xaramka, reer Makkana u horseeday caabbudista asnaamta.

Qusay waxa uu dhalay afar wiil. Curadkiisa oo magaciisu ahaa Cabdidaar waxa u siiyay furaha Kacbada. Waxa kale oo uu u dhiibay calanka kolka cadaw lala dagaalayo. Wiilkiisii kale Cabdimanaaf waxa uu isaga u xilsaaray waraabinta iyo soorista xujayda beytka Alle. Cabdinabaaf waxa uu dhalay Haashim oo ah awoowaha labaad ee Nabiga “SCW”.

Waqtigii Nabiga “SCW” uu Alle soo diray, gaalada Quraysh-na ay Makka ku dhibi jireen, furaha Kacbada waxa haayay curadkii reer Cabdidaar oo la oran jiray Cuthmaan bin Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa Al-Cabdari oo waqtigaas gaal ahaa.

Nabiga “SCW” ayaa maalin damcay in uu Kacbada dhexdeeda ku cibaadaysto. Markaas buu Cuthmaan ku yiri: “Maad ii furtid?” Cuthmaan Nabiga “SCW” si xun buu ula hadlay. Nabigu “SCW” waxa uu ku yiri: “Cuthmaanoow, waxad arki doontaa maalin furahaas oo gacantayda ku jira oo qofkii aan doono aan u dhiibayo”.

Cuthmaan waxa uu yiri: “Maalintaasi waa maalin ay Qurayshi hoogtay ooy dullowday”.

Nabigu waxa uu yiri: “Mayee waa maalin ay baraartay sharafiina ay u siyaadday”.

Markii Nabiga “SCW” iyo asxaabtiisu ay Makka furteen, ayuu Nabigu “SCW” waxa uu yiri: “Cuthmaanoow ii keen furaha”. Markii uu ka qaatay, waxa u hanqal taagay adeerkiis Cabbaas bin Cabdulmudhalib (RC) oo damcay in waraabinta xujayda iyo furayaasha la isugu daro, hase yeeshee Nabigu “SCW” inta uu Cuthmaan u yeeray buu ku yiri: “Sidii aan kuu sheegay soow ma aanay noqon?” Cuthmaan waxa uu yiri: “Waa ay noqotay. Waxan qirayaa in aad Rasuulkii Alle tahay”.

Nabigu “SCW” waxa uu furihii u celiyay Cuthmaan, waxana uu ku yiri: “Ciddii idinka qaaddaa waa dulmiloow”.

Maalintaas laga billaabo, ilaa maanta oo 1,400 sano ka badani ay kasoo wareegtay furaha Kacbada waxa haaya qabiilka la yiraahdo reer Banii Sheybah oo ku abtirsada reer Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa Al-Cabdari, iyaga ayaana ilaa maalinta Qiyaamana hayn doona.

Nabigu “SCW” abaal gaar ah buu u haayay Cuthmaan ibnu Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa. Umu-Salama oo markii dambe noqotay xaaska Nabiga “SCW” iyada iyo ninkeedii Abuu-Salama waxa ay kamid ahaayeen asxaabtii dhulka Xabashida u haajitay. Markii ay kasoo noqdeen oo Madiina loo haajirayay, Abuu-Salama waxa uu damcay in uu xaaskiisa iyo wiilkiisa yar Salama madiina ula haajiro, hase yeeshee waxa u diiday qoyskii Umu-Salama in uu gabadhooda kaxaysto.

Abuu-Salama keligiis buu haajiray, Umu Salamana wiilkii ayaa laga qaatay. Waa ay iska ooyi jirtay. Markii dambe inta ay u beer jileeceen bay wiilkeedii siiyeen inay haajirtana u oggolaadeen. Iyada oo wiilkeeda xambaarsan oo keligeed Makka ka baxaysa waxa arkay Cuthmaan ibnu Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa oo weli gaal ah. Waxa uu ku yiri: “Xaggeed u socotaa?”

Waxay ku tiri: “Ninkaygii oo Yathrib jira ayaan u socdaa”.

Cuthmaan: “Oo cid ku wehlisaa ma jirto miyaa?”

Umu-Salama: “Waa aniga, Alle iyo wiilkaygan”.

Ratigii ay fuushaneed buu hoggaanka u qabtay oo kexeeyay. Markii ay meel ku nasanayaan inta uu ratiga tujiyo, ayuu ka fogaanayay. Markaas iyadu geed bay hooskiisa harsanaysay, isaguna inta uu ratiga geed ku xiro ayuu geed kale harsanayay. Markii ay baxayaan inta uu u tujiyo oo ka fogaado, ayuu marka ay korto u imaanayay oo ku kaxaynayay, ilaa geedihii timirta ee Madiina ay u muuqdeen. Markaas Umu-Salama waxa uu ku yiri: “Magaaladii aad rabtay waa tan”, waana uu ka laabtay.

Umu-Salama waxa ay tiri: “Nin jid lala maro oo Cuthmaan ibnu Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa ka gobsan weligay ma aanan arag”. Abaalkaas buu Nabigu “SCW” Cuthmaan u haayay.

Umu-Salama ninkeedii Abuu-Salama dhaawac Uxud ka soo gaaray buu u dhintay, keddibna Nabiga “SCW” ayaa guursaday.

Furaha Kacbada waxa loo dhiibaa ninka ugu da’da weyn qoyska reer Banii Sheybah. Ma aha haynta furaha keliya shaqada reer Banii Sheybah, laakiin shaqooyinka kale oo ay qabtaan waxaa kamid ah: Nadiifinteeda, dhaqisteeda, marashaynteeda, marada Kacbada la saaro haddii ay dillaacdo tolisteeda iyo carfinta Kacbada. Kacbada waxa gudaha laga dhaqaa laba jeer sanadkii oo kala ah kowda Shacbaan iyo shan iyo tobanka Muxarram.

Xilligaan la joogo, furaha Kacbada waxa haaya Sheekh Saalax bin Zaynul Caabiddiin Al-Sheybi.

W; D: Sabriye Musse

Hadalsame Media