Ceebaha ballanqaadyadii dalalka safka hore ee DF oo durba soo baxay & Waxa keenay

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2023 – Magaalada Ceelbuur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Balse, iskaashi difaac-wadareedka Itoobiya iyo Kenya gacan uga gaysan lahaayeen dagaalka argaggixisada ayaan u muuqan mid tabaabushihiisii fari ka qodnayn.   

Dib u dhaca oo hadal hayn abuuray ayaa loo aanaynayaa culays Itoobbiya iyo Kenya ka haysta gudaha. Arrinku waxuu shaki macquul ah gelinayaa in difaac-wadareedka safka hore sidiisaba lahaa qorshe muddo gaaban miro wax ku ool ah lagu gaari karo. Daciifnimadiisa waxaa ka mid ah inaan si rasmi ah axdi wadajir ah loo gelin, taas oo muujinaysa dabeecada cakiran iyo caqabadaha hortaagan gobolka.

Soomaaliya oo iskeed isku tashatay ayaa taniyo August 2022, weerarro rogaal celis ah ku muquuninaysay argagixisada gobollada Hirshabeelle iyo Galmudug si ka wanaagsan hawlgalladii Midowga Afrika. Guusha ayaa soo dedejisay in Muqdisho lagu riixay February 2023, heshiis malaha diiradda saaraya wax aan dan u ahayn Soomaaliya [maareeynta khatarta Al-Shabaab].  

Inkastoo, Mareykanku uu gacan ka gaystay tababarka cutubyada Danab iyo dagaalkaba, haddana waxaa muuqata in uusan beddelin siyaasaddiisii “xakamaynta” dalka. Dareenka guud ayaa ah in hindisaha difaac-wadareedka safka hore looga gol lahaaba in Kenya loogu damaanad qaado inaan lagu eegin argaggixisada loo riixayo soohdimaha.  

Dabcan, dadaalku waxuu ku soo beegmay waqti xasaasi ah, waxaase la isla dhexmarayo in reer Galbeedku u adeegsaday fursadda inuu ku go’doomiyo Eritrea oo ka madax adeegtay ajandahooda Geeska Afrika. Waxaa la yaab leh in Soomaaliya iyo Kenya oo isku waafiqi la’ sidii loo hirgelin lahaa xukunkii Maxkamadda ICJ wada galaan heshiis difaac.  

Inkastoo dhalanteed uu u muuqdo difaac-wadareedka safka hore, haddana Kenya ayaa sheegtay inay kala bixi doonto Soomaaliya ciidamadda, si ay ugula dagaallamaan argaggixisada gudaha dalkooda. Kenya waxaa weli ka jooga Soomaaliya ciidan kor u dhaafay 4 kun oo iskugu jira kuwo ka tirsan ATMIS iyo kuwo si sharcidarro ku soo galay 2011kii. Dib u gurashada  degdegta ah waxaa keenay khatar ku soo fool leh oo aan horay loo arag.  

Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa rumaysan in difaac wadareed saamaxaya mar kale oo ciidamo shisheeye soo galaan dalku uusan xal waara u noqon karin dhibaatada loo maaro la’yahay ee asalkeedu ka dhashay duullaankii Itoobbiya (2006) iyo Kenya (2011). “Taasi waa sidii argaggixisadu rabtay waxayna kicin kartaa xagjirnimo hor leh oo halis gelisana xasilloonida yar ee la haysto,” ayuu yiri sarkaal xog-oggaal ah.   

Haddaba, su’aasha taagan ma ah, Soomaaliya keligeed ma ka bixi kartaa dagaalka, ee waa sidee guulo muhiim ah loo gaari karaa muddo macquul ah?   

Dadku diyaar uma aha in si degdeg ah loola hadlo argaggixisada, walow uu u muuqato in xabad keligeed aysan xal ahayn, xulufada Soomaaliyana [Mareykanka, Qadar, iwm.] sugi la’dahay in la raadiyo xeelad aan militeri ahayn. Istratiijiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa ah in la sii wiiqo argaggixisada [dhaqaale iyo ciidanba] si miiska wadaxajoodka loogu gaaro wax la taaban karo mustaqbalkana cid kale iskugu dayin in qori u adeegsato wax nabad lagu heli karo.

May be an image of 1 person

Isha: Caasimadda Online

Hadalsame Media