Laacib amaah uga maqan Inter Milan oo si dunida ka yaabisay ula dhaqmay Pirlo (Daawo)

0

(Genoa) 10 Dis 2023 – Sebastiano Esposito waxa uu ka yaabiyey macallinka Andrea Pirlo xilli uu weeraryahanku u dabaaldegay guushii ay ka gaareen kooxda Lecco isaga iyo macallinka Sampdoria.

Kooxdan Seria B ka dheesha ayaa Sabtigii 2-0 kaga badisay kooxda Lecco ee kasoo horjeedey, iyadoo Esposito uu dhaliyey labadii gool ee ay guushu ku raacday, mana uu qarinin farxaddiisa dhammaadkii ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigan amaahda uga maqan Inter Milan ayaa laga yaabaa inuu aad uga yara fogaadey dabaaldeggiisa kaddib markii uu kallarka ku dhegey macalinkiisa.

Isagoo ku dheggan qoor-duubka dhaxanta ciyaaryahankii hore ee Talyaaniga, Esposito ayaa si adag u ruxay Pirlo isagoo ku faraxsan guushii Sampdoria, waxaa uu Pirlo ku sigtay inuu dhulka ku dhaco.

Nasiib wanaag, maamulaha Blucerchiati ayaan wax xumaan ah u muujin isagoo gartay xamaasadda kaddibna isku duubay si uu hab u siiyo.

Hadalsame Media