Warbaahinta Iran oo faafisay muuqaal muujinaya Erdogan oo hoos kala shaqaynaya Israel (Daawo)

0

(Tehraan) 10 Dis 2023 – Taliska Islaamiga ah ee ka arrimiya dalka Iiraan ayaa xiriir wanaagsan kula naalloonaya dalka Turkiga iyo MW Erdogan, balse waxay faafiyeen muuqaal uusan ku farxi doonin.

Koontooyinka baraha bulshada ee ku dhow Dowladda Iran ayaa maalhanaba wadey welina sii wada inay MW Erdogan ku sifeeyaan inuu yahay ”daba-dhilif Israa’iili ah.”

Muuqaalka ayaa muujinaysa Erdogan oo raashin iyo khudaar kala duwan hoos ka siinaya nidaamka Sahyuuniga ah isagoo la dhaafaya guriga Falastiin, kaddib ay sidaa ku cayilayso oo ku xoogaysanayso.

Waxaase yaab leh, in fiidiyowga hoose ee ku jees jeesaya Erdogan ay faafiyeen koontooyin badan oo raacsan maamulka Iiraan.

Ugu dambayntiina, Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Dowladda Iiraan ee IRNA ayaa sidoo kale lasoo dhigay oo muuqaalkan ku wadaagtey shabakadeeda.

Yeelkeede, marka la eego dadka faallooyinka ka dhiibtey muuqaalkan oo uu faafiyey weriye Turkish ah, qaar badan ayaa sheegay in tiiyoo aysan taageersanayn Iiraan ay misna run tahay in Tehraan ay tahay dalka qura ee Muslim ah ee si furan u taageersan reer Falastiin marka si nisbi ah loogu eego kuwa kale.

Hadalsame Media