DARAASAD: Saliid Saytuunka oo joogto loo isticmaalo oo u wanaagsan kahortagga xanuunka… (Nooca loo baahan yahay?)

0

(Hadalsame) 13 Dis 2023 – Cilmibaadhayaal ka tirsan Kuliyadda Lewis Katz oo ka tirsan jaamacadda caafimaadka ee Temple University oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa ogaaday in saliid saytuunta oo lagu darsado cuntada maalinlaha ahi ay ka hortagto hoos u dhaca awoodda garasho iyo shaqada maskaxda ee qofku marka uu gaboobo lagu arko.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda ‘Aging Cell’ ayaa daahfurtay in saliid saytuunta sida dabiiciga ah loo miiray oo la isticmaalo xilliga dhalinyaranimada ama inta u dhexeysa 30 illaa 40 sano jirka ay kaalin weyn ka qaadato ka hortagga hoos u dhac ku yimaadda xusuusta iyo faham yaraanta, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Domenico Pratic oo hoggaaminayey xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey ayaa yidhi, “Haddii uu jiro shay keliya, oo ay tahay in uu sameeyo qof kasta oo ku fikiraya in gabowgu aanu ka kaxayn maskaxdiisa dhalinyaranimo, shaygaasi waa in saliid saytuunta sida dabiiciga ah loo miiray lagu daro cuntooyinkeenna maalinlaha ah”

Daraasaddu waxa ay sheegtay in marka laga yimaaddo in saliid saytuuntu dadka la qabsaday u samayso dhadhan aad u fiican, in ay sida oo kale hodan ku tahay maaddooyinka liddiga ku ah sunta, isla markaana ilaaliya unugyada. Waxa kale oo ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo ay ka mid tahay ka hortagga xanuunnada xidhiidhka la leh gabowga.

W;D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media