Diblomaasi Soomaali ah oo xog cusub bixiyey & Baaris lagu bilaabay booliis ku eedaysan inay daayeen wiilka MW shilka kaddib

0

(Ankara) 14 Dis 2023 – Waxaa sii kordhaya cadaadiska haysta Dowladda Turkiga ee ka dhashay kiiska shilka wiilka MW Turkiga kaasoo weliba sii xumaaday markii uu wiilku ka ”cararay” Turkiga, sida lagu eedeeynayo.

Ekrem Imamoglu, Duqa Magaalada Istanbul, ahna siyaasi mucaarad ah oo caan ah, ayaa bartiisa X (ex Twitter) soo dhigay muuqaalka kaamirada ammaanka ee shilka. Wuxuu ku andacoodey ” tuhmanuhu wuxuu Turkiga ka tegay gacmihiisa oo xor ah” wuxuuna ku eedeeyey dowladda “inay aad daciifsan u tahay marka ay timaado inay difaacdo xuquuqda muwaadiniinteeda.”

Isagoo ka jawaabaya cadaadiskan, Wasiirka Cadaaladda ee Turkiga, Yilmaz Tunc, ayaa sheegay isagoo aan faahfaahin badan ka bixin in la bilaabay “habraac caalami ah” oo lagu wajahayo shilka.

“Iyadoo aan loo eegin magacooda, qof kastaa waa u siman yahay sharciga iyo dhammaan habka loo marayo soo qabashada tuhmanaha – kuwaasoo ay ku jiraan nidaamka caalamiga ah – ooloo fuliyo si taxadar leh,” ayuu Tunc ku jawaabey.

Dhanka kale, Tunc wuxuu sheegay in sidoo kale baaritaan lagu bilaabay askar booliis ah oo sameeyey baaritaankii hordhaca ahaa oo ku saabsanaa shilka, kuwaasoo lagu haysto inay si mugdi ku jiro usii daayeen wiilka iyo inay qoreen bayaan aan sax ahayn.

Dhanka kale, diblomaasi Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Turkiga ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AP in gaariga uu watey wiilka uu dhalay Madaxwaynaha ay leedahay safaaradda Soomaaliya.

”Qoyska Madaxwaynaha ayaa ku socdaala Baasaboorro Diblomaasi ah, waxayna horay ugu noolaayeen dalka Turkiga.” ayuu yiri sarkaalka, kaasoo ogolaaday inuu kiiskan ka hadlo oo kaliya haddii aan magaciisa lasoo xigan.

Turkiga ayaa xiriir dhow la samaystay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, markaasoo uu Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan — oo xilligaasi ahaa Ra’iisul Wasaare- uu booqasho ku tegay dalka dhaca Bariga Afrika oo uu u muujinayey taageero xilli ay dadka Soomaaliyeed la ildarnaayeen abaaro ba’an.

Hadalsame Media