Dhibka haritaanka Newcastle & Man United ay u gaysatey kooxaha kale ee EPL (Boos muhim ah oo ay waayi karaan)

0

(Ankara) 14 Dis 2023 – Rajada kooxaha Premier League ee ah inay boos dheeri ah ka helaan Champions League  xilli-ciyaareedka soo socda ayaa si wayn hoos ugu dhacday Arbacadii xalay kaddib markii Newcastle ay raacday Manchester United oo tartanka looga tuuray heerka guruubyada.

Qaabka tartanka Yurub ayaa waxa uu isu beddelayaa nidaamka horyaalka Swiss-ka oo kale laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, annagoo macsalaamaynayna heerka group-yada soo jireenka ahaa ee aan u barannay sanadaha soo socda.

Halkii siddeed dheri oo min afar kooxood ah ay min laba jeer wada ciyaari lahaayeen, 36 naadi – afar kooxood oo dheeri ah – ayaa lagu aaddinayaa siddeed kooxood oo kale, iyagoo dheelaya afar kulan oo guri ah iyo afar ay marti yihiin.

Waxaana jira boos 5-aad oo ay helayaan 2-da dal ee sanadkan ugu natiijo wanaagsan tartamada Yurub.

England ayaa hadda ku jirta kaalinta 3-aad ee kala sarayntaas UEFA (Co-efficient), iyadoo haritaanka Newcastle iyo United ay saamayn ku yeelan doonto aayaha kooxaha kale ee horyaalka EPL.

SIDA DHIBCAHA LOO XISAABO: CL guul kasta waa 2 dhibcood, bareejadu waa hal dhibic. Waxaa jira dhibco bareemiyo ah; 4 waxaa helaysa kooxdii kasoo baxda group-yada, 5 waa wareegga 16-ka iyo min hal dhibic rubuc-dhammaadka, nus-dhammaadka iyo dhammaadka Champions League.

Europa League waa 4 dhibcood ku guuleysiga guruubyada, 2 ayaa la siinayaa kooxda kaalinta labaad kusoo baxda, halka Conference League uu yahay 2 dhibcood kooxdii guruubka 1-aad ka gasha iyo hal dhibic kaalinta 2-aad, iyo min hal dhibcood semi-finalka iyo finalka.

DHIBCAHA FASALKAN: Waqtigan xaadirka ah, JarmaNka ayaa ku hogaaminaya 13.36 dhibcood, waxaana ku soo xiga Italy oo wax aad u yar ka dambaysa (13.14), England (12.13) iyo Spain (12.06), afartan horyaal ayaa ah kuwa ugu badan ee u tartamaya marka loo eego inay leeyihiin kooxaha ugu badan ee tartamada Yurub.

Manchester City iyo Arsenal ayaa durba xaqiijiyey inay kusoo baxayaan kaalinta 1-aad ee guruubyadooda, halka United iyo Newcastle ay tartanka kaba hareen taasoo keentay in kooxaha Ingariiska ay tahay inay buur dheer u fuulaan si ay u xaqiijiyaan booskaas dheeriga ah ee fasalka soo aaddan.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media