Soomaalida & Oromada midkee midka kale ah? Magaalo ku taalla Itoobiya oo ay Oromadu maanta uga badan yihiin qoowmiyaddii iska lahayd

0

(Hadalsame) 29 Nof 2023 – Dood iyo hadal hayn ayaa ka dhalatay kadib markii odeyaasha dhaqanka bulshada Oromo-da ee booqanaya Somaliland ay jeediyeen hadalo muujinaya inay ka tirsan yihiin qabiil Soomaaliyeed.

Ugaas dhaqameedka hogaaminayey wafdiga oo lagu tilmaamay inuu yahay guddoomiyaha guurtida Oromada Itoobiya ayaa sheegay in wada dhalashada iyo diintu ka wada dhexeeyaan walow qaar badan oo ka mid ah qoomiyadda Oramadu aysan muslmiin ahayn.

Mid ka mid ah, wafdiga oo afka Soomaaliga si fiican ugu hadlayay ayaa sheegay in oromo-da iyo beelaha Somaliland ay wada leeyihiin dhulka iyo dekeda, isaga oo si gaar ah u carrabaabay dekeda Saylac, oo la sheegayo in uu Itoobiya ay danaynayso.

Dalalka Geeska Afrika sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxaa wada dega qowmiyado badan oo ay ka mid yihiin Soomali iyo Oromo. Labadan qowmiyadood waxay kaga duwan yihiin qowmiyadaha kale ee ay dalalkan wada degaan, in ay leeyihiin dhowr waxyaabood oo isu dhaweynaya labadooda.

Wa’ayo qowmiyada Oromo-du?

Baraha Bulshada
Ninka hogaaminaya wefdiga oromada ee Somaliland tagay

Oromadu waa qoomiyad degta geeska Afrika tiradooda guudna lagu qiyaaso ilaa 40 milyan oo qiyaastii 25 milyan oo ka mid ah ay ku noolyihiin Itoobiya.

Qoomiyadani waa Kushitik u badan Muslimiin. Ka sokow Itoobiya waxay qaar ka mid ahi degaan Sudan iyo Kenya.

Waxay isugu jiraan beeralay iyo xoola dhaqato reer guuraa ah. Daraasadaha taariikhda afafku waxay tilmaamayaan in ay qoomiyadan kasoo jeeddo harooyinka sida Chew Bahir iyo Chamo oo ku wada yaal dalka Itoobiya.

Waxay taariikhda Afku qiyaasaysaa in halkan ay ku noolaayeen in ka badan 2 kun oo sano.

Qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Rendille, Booran iyo Gabra waxay ka wada tirsan yihiin Kushitic oo ah mid ka mid ah magacyada lagu mideeyo jinsiyadaha iyaga oo la eegayo waxyaabo ay ka mid yihiin hidde sidahooda iyo taariikhdooda.

Afafka Orormada iyo Soomaaliga ayaa ku wada jira afafka la isku yiraahdo Kushitik oo ay ka mid yihiin afafka qoomiyadaha aan kor kusoo xusnay iyo kuwa kale.

Oromadu ma Soomaali baa mise Soomaalida ayaa Oromo ah?

Waxyaabaha ku saabsan Wefdiga Hargeysa jooga iyo haddalladooda ee hadal haynta dhaliyey ka mid ah su’aashan aan kor ku xusnay. Siyaabo kala duwan ayeyna dadku uga falceliyeen. Haddaba taas awgeed waxaan eegaynaa waxa ka jiri kara sheegashooyinka qaar.

Kahor burburkii Soomaaliya, bulshada Oromo-da ee Soomaaliya joogay, oo qaarkood ahaa jahbad hubeysan oo la dagaalama Itoobiya waxaa loogu yeeri jiray Soomaali Aboo.

Labada qoomiyadood ee Soomalida iyo Oromo waxay degaan laba dhul oo aad u ballaaran dhinacana isku haya, iyo meelaha dhulkaasi iska galo oo ay wada degaan.

Intaas waxaa dheer inay jiraan is sheegasho iyada oo marar badan la arko in qabiillo ka mid ah Oromada ama Soomaalida ay sheegtaan midka ay afkooda ku hadlaan mooyee kan kale.

Tani waxay cadayn u tahay suurta galnimada ah in tusaale qoys Soomaali ah uu la dhaqmo Oromo sidaasna oo ku noqdo Oromo inkasta oo ay ogyihiin in ay dhalasho ahaan yihiin Soomaali.

Tusaalaha ugu fiican: Wefdiga hadda Jooga Hargeysa oo sheegay inuu soo maray Kenya, waxay ku doodayaan inay yihiin qabiil Soomaali ah oo sida ay sheegayaan kaliya aan ku jirin Oromada ee sidoo kale ku dhex jira lana dhaqmay booranta iyo kuwa kale.

Tusaale kale beesha sheekhaal waxaa jira qabiil Oromada la dhaqmay kuna hadla afka Oromada balse ku abtirsanaya isla halka ay Sheekhaal ku abtirsato. Sheegashadu iyaga u gaar ma aha ee waxaa ogol oo la qaba isla beesha Sheekhaal ee Soomaalida ah.

Ma beenin karno mana rumayn karno balse waxay cadeyn u tahay sida ay suurta gal u tahay in labadan qowmiyadood (Oromo iyo Soomaali) ay isku dhex milmaan.

Waxaa sidoo kale jira sheegashooyin ah; qabiillo ka dhex abuurmay labada qowmiyadood oo is guursaday.

Laakiin xaqiiqada taariikhda iyo sooyaalka labada bulsho waa in aysan midna ahayn tan kale, se ay yihiin labo qowmiyad oo siman, islamarkaas na hal meel kasoo farcamay.

Diinta

Wefdiga oromada iyo doay dhaqameedyo soo dhaweeyay
Wefdiga oromada iyo doay dhaqameedyo soo dhaweeyay

Qowmiyadda Oromadu waxay leedahay Muslimiin iyo masiixiyiin labadaba, hase yeeshee waxaa badan kuwa islaamka ah waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 55% ilaa 60% inay yihiin Muslimiin sunni ah.

Oromada muslimiinta ah waxay dhul ahaan is xigaan Soomaalida, waana halka uu ka yimaaddo isdhex galka labada qowmiyadood.

Inkasta oo aynaan qodob gaar ah ka dhigayn dhaqanka; Soomaalida iyo Oromadu way isaga dhowyihiin dhaqan ahaan qowmiyadaha kale. Waxay leeyihiin wax la yiraah Cabbaagade oo u dhigma Ugaas ama Suldaan.

Oromadu waa xoola dhaqato sida Soomaalida oo kale wallow dhanka beeraha ay Soomaalida kaga horeeyaan, waana reer guuraa kuwooda xoolaha dhaqda.

Dhulka

Sida aan horeba soo xusnay dhulka ay hadda Soomaalidu degto iyo kan Oromadu dhinaca ayey isku hayaan wallow uusan u dhaxaynin xad cad oo kala qaybiya ayna dhacdo in mararka qaar ay isu gudbaan si nabad ah iyo dagaal ba.

Qodobada ama waxyaabaha mideeya Soomaalida iyo Oromada uguna xasaasisan waa dhulka, balse si aan sawir uga bixinno aan dib ugu laabanno xooga taariikh ah.

Qarnigii 13-aad ilaa 14-aad ee miilaadiga waxaa geeska Afrika ka talin jirtay boqortooyo islaami ahayd oo la yirah Cadel.

Boqortooyadan waxaa xarun u ahayd magaalada Harar oo hadda ku taal gudaha dalka Itoobiya. Maadaama ay ahayd boqortooyo Islaami ah, waxay ka dhaxaysay guud ahaan qoomaiyadihii muslimiinta ahaa ee halkaas ku dhaqnaa iyo kuwa gadaal ka yimidba.

Boqortooyadani waxay la dagaali jirtay mara bandanna dhul kala qabsadeen middii xabashida oo ahayd bqortooyo masiixiyad ah.

Bqortooyadan waxaa hogaamin jiray marka laga tago shakhsiyaad aan asalkooda si fiican loo qeexin, madax Soomaali ah kana dhashay qaar ka mid ah Qabiilada aan maanta Soomaali u naqaan. Magaaladan aan sheegnay waxaa dhinac walba hadda ka jira Oromada ama dhulka Oromada.

Sida ay dawladda itoobiya diiwaan galisay Oromada degta magaalada Harar maanta, waxay ka badan yihiin Soomaalida iyo xitaa qowmiyadda harariga oo la sheego inay asal ahayn degi jireen halkaas xitaa saldanadii Cadel ka hore.

BBC

Hadalsame Media