Goorta uu furmayo tartanka Maamullada oo si rasmi ah loogu dhawaaqay & Shuruudaha cusub

0

(Muqdisho) 14 Dis 2023 – Kulan dhexmaray Xiriirka Kubadda Cagta Somalia & Wasaaradda Isboortiga DF ayaa lagaga hadlay tartanka Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee dhowaan ka furmaya Muqdisho.

Waxaa lagu heshiiyey inay diwaangelinta ciyaartooydu ay bilowdaan 16-ka bishan Diseembar ayna socdaan ilaa 21-ka bisha, halka tartanku uu furmayo 22-ka isla Diseembar oo ahayd waqtigii horay loo hadal hayey inuu tartanku ka furmayo Istaadiyo Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la kordhiyey tirada ciyaartooyda ay koox waliba wadato oo awal ahaan jirey 22 balse haatan laga dhigayo 25 laacib.

Qoraalka laguma soo hadalqaadin Maamulka KMG ah ee SSC oo markii hore la sheegay inuu tartanka ka qaybgelayo balse markii dambe laga saaray kaddib markii la sheegay inuusan buuxin shuruud ahayd inuu qabto tartamo maxalli ah oo kubbadda cagta ah marka hore.

May be an illustration of blueprint and text

Hadalsame Media