MW Somalia oo markii ugu horreeysey qaab ”mugdi” ku jiro uga hadlay shilka wiilkiisu galay (Xaaskii marxuumka oo dacwad ku oogtey Dowladda Turkiga)

0

(Muqdisho) 14 Dis 2023 – Xaaskii Yunus Emre Göçer oo ahaa mootoole ku dhintay shil gaari oo uu sababay wiil uu dhalay Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka dhacay dalka Turkiga ayaa dacwad rasmi ah ka gudbisey booliiska iyo xeer ilaalinta oo ay u aragtay inay ninkeeda si khaldan ugu eedeeyeen shilkaasi.

Gudbintan dacwaddan ee Istanbul ayaa hoosta ka xarriiqaysa dhacdo cakiran oo caalami ah oo soo jiidanaysa indhaha bulshada Turkiga maalinba maalinta ka dambaysa.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay MadaxwAynaha Soomaaliya EE Xasan Sheekh Maxamuud ahna dhaqtar 40-sano jir ah ayaa watey gaariga lagu dhuftay Göcer oo marayey waddo mashquul badan oo Istanbul ah.

Dhacdadan oo ahayd mid 30-kii bishii Nofeembar ka dhacday degmada Fatix ee magaalada Istanbul, ayaa markii hore keentay in Maxamuud xabsiga la dhigo muddo kooban. Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii laga qoray oobigga, waa la sii daayey kaddibna wuxuu ka baxay Turkiga kahor intaan la dhaqangelin xayiraadda safarka ee ka dhanka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo waraysi siiyey Wakaaladda Wararka ee AP ayaa ka horyimid wararka sheegaya in wiilkiisa uu goobta ka baxsaday.

Waxa uu sheegay in wiilkiisa uu ku sugnaa Istanbul dhowr maalmood kaddib shilka, uuna qabsaday qarreen, waxaana lagula taliyey inuu ku laabto maxkamada. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyey in wiilkiisu uusan ka baxsan dalkaasi shilkaa dartiis, wuxuuna tacsi u diray qoyska Göçer, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha soo gaarey.

“Weli waxa ay dano uga xiran yihiin dalkaasi, waxaana u sheegayaa inuu dib ugu laabto oo uu tago maxkamadda,” ayuu yiri Madaxwaynuhu. Go’aanka isagaa leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu raaciyey Xasan Sheekh oo la hadlaya AP.

Göçer ayaa waxaa soo gaarey dhaawacyo aad u daran oo ka dhashay shilkaasi, waxaana uu 6 maalmood kaddib ku naf waayey isbitaalka Istanbul Teaching and Research Hospital.

Dadka ayaa is waydiinaya sababta uu Madaxwaynuhu ugu hadlayo sidii in aanu wiilkiisa dhihi karin ”tag maxkamadda!” ee uu u adeegsanayo kelmad aan kala caddayn sida ”go’aanka isagaa leh” IWM, maadaama ay arrintani sawir ka bixinayso guud ahaan Somalia oo ay tahay in sumcadda dadka iyo dalka la dhowro.

Hadalsame Media