”Arrintani waxay dhaawacaysaa sumcadda Somalia” – Saxaafadda Turkiga & Siyaasiyiin kale oo ka hadlay shilka wiilka MW (Soomaali si liidata uga jawaabtey)

0

(Hadalsame) 10 Dis 2023 – Waxaa lagu taliyey in madaxda DF Somalia, sida xitaa MW Somalia, ay la xiriiraan ehelada dhibku gaarey si arrintan loosoo afjaro, balse sida muuqata DF Somalia waa iska aamusan tahay ilaa haatan mana ka hadlin shilkan.

Weriye Turki ah oo lagu magacaabo Ragıp Soylu ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku sheegay in shilka uu galay wiilka MW Somalia uu keeni karo dhibaato ka badan shilka dhacay sida loo maareeyey.

”Wiilka uu dhalay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa inuu dhaawac aan caadi ahayn u gaystey sumcadda Soomaaliya ee shacabka Turkiga marka loo eego wax kasta oo kale” ayuu Soylu kusoo qoray X.

Wuxuu sidoo kale qormadiisa ku lifaaqay qoraal kale oo ka yimid Dr C. Kani Torun oo ah siyaasi Turkish ah oo isna arrintan ka hadlay isagoo dhaliilaya qaabka uu u dhaqmay wiilka MW Somalia kaddib markii uu dhacay shilku.

”Mudane Madaxwayne @HassanSMohamud Wiilkaaga ayaa shil baabuur ku diley darawal kaddibna ka cararay Turkiga. Middaani kuma habboona adiga oo ah Muslim cibaadaysta waxayna Soomaaliya ka dilaysaa sumcadda,” ayuu ku bilaabay qoraalka.

”Fadlan soo dir wiilkaaga si maxkamad sharci ah u maro oo magdhow u siiyo qoyska dhibbanaha.” ayuu raaciyey.

Yeelkeede, waxaa markaa kaddib meeshii faallooyin kusoo qoray dadka iskugu jira Turkish iyo Soomaali, balse Soomaalida ayaa ugu war liidatey iyadoo qaar badani ay isku khaldeen waxa meesha yaalla oo ah dan qaran oo difaacid iyo dhowraarin u baahan iyo mucaaradaddii ay u hayeen MW Somalia.

Qaar Soomaali ah baa xitaa ku baaqay in la jaro xiriirka Somalia iyo Turkiga inta uu MW yahay Xasan Sheekh. Qaar kale ayaa X (ex Twitter) ka dacweeyey Somalia iyagoo sheegaya inay xiriir la yeelatay Imaaraadka sidaa darteedna ay gabtay ama ”khiyaantay” Turkiga.

Halkan hoose ka eeg…

Hadalsame Media