Hal talo oo loosoo jeediyey DF si loo afjaro arrinta shilka uu ku lug yeeshay wiilka MW Somalia

0

(Hadalsame) 10 Dis 2023 – Magaca soomaaliya sida baraha bulshada turkiga loogu hadal hayo maalmahan waa mid aan dhicin ilaa macaluushii 2011, sababtuna waa shilkii gaariga dawladda soomaaliya ku qoran ee ninka turkiga ahi ku dhintay Istanbul 30/11/2023, loona tiiriyey wiilka madaxweynaha soomaaliya.

Arrintu caadi ayey ahaan lahayd haddeyan ahayn: Wiil Madaxweyne fadhiya iyo gaari dawladeed.

Dawladda Turkigu wexey lagama maarmaan u aragtay in ay shacabkeeda u caddayso sida wax u dheceen, iyo tallaabooyinka cadaaladda ee ay qaadeyso oon leex leexadka lahayn, dawladda soomaaliyana ilaa hadda waa aamusantahay, sida wax u dheceenna ma caddayn, taas oon munaasib ahayn.

Shil waa dhacaa, waana qaddar Ilaahay, meel walbana waa ka dhacaa, laakiin waa in si miisaankeeda leh loola tacaalo, dadkii wax gaareenna lala xiriiro, dawladda aynu saaxiibka nahayna aan xaraj la gelin, dadka soomaaliyeed ee ku nool iyo shacabka walaaleheenana wax loo caddeeyo, waayo arrintu ma aha qof ee waa qaran, meeshuna soomaaliya oo wixii la doono la falo ma aha, ee waa Jamhuuriyadda Turkiga.

Haddii aan dawladda iyo (madaxweynaha oo arrintu si gaar ah iyo si guudba u khusayso) ayan hadda arrinka daba qaban, waxaa ka dhalan karta cawaaqib aan fiicnayn oo saamayn ku yeelan karta xiriirka labada dal iyo soomaalida turkiga joogta oo dhan, Ilaahay tawfiiqda haynna waafajiyo.

W; Q: Sh Maxamed Idriis

Hadalsame Media