”Iyagu sharci darteen ma u bedelayaan?” – Xisbiyo kasoo horjeestey sharci mamnuucaya gubista Qur’aanka oo kasoo baxay Denmark

0

(Hadalsame) 09 Dis 2023 – Baarlamaanka Denmark ayaa Khamiistii meel mariyey sharci mamnuucaya in la ceebeeyo qoraallada kutubta diimeed sida Quraanka, Tawreedka iyo Baybalka kaddib dood muran badan dhalisay. Dembiilayaasha waxay wajihi doonaan ilaa laba sano oo xarig ah ama ganaax lacageed.

Sharcigu wuxuu dembi ka dhigayaa “in si aan habboonayn loola dhaqmo, si fagaare ah ama iyadoo la doonayo in lagu faafiyo goob bulsho, qoraal muhiimad diineed u leh bulsho diimeed ama shay sidaa oo kale u muuqda,” oo ay ku jiraan gubista, carraynta, ku istaagidda, ama googooynta kitaabta noocaas ah.

Waxaase ka mid ah waxyaabaha laga reebay wax lagu sheegay ”farshaxannimada” taaso dhinaca sharaf-ridka la sheegay inuu ka kooban yahay “kuwa kasoo sheegay.”

Wasiirka Cadaalada, Peter Hummelgaard, ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid aad loogu baahan yahay si “meesha looga saaro ceebaynta joogtada ah ee aan soo aragnay muddo dheer,” isagoo ku dhawaaqay “Waa inaan ilaalinnaa ammaanka Denmark iyo Deenishka” bayaan uu u gudbiyey baarlamaanka (Folketing) bishii hore.

Xildhibaannada labada dhinac ee xisbiyada garabka bidix iyo midig ayaase isugu yimid si ay u dalbadaan in afti loo qaado arrintan, iyagoo ka xanaaqay oo ku adkaystay inay “fulayaal” ka dambeeyaan sharcigan dood afar saacadood socotey kahor codayn ku dhamaatay 94-77.

Yeelkeede, xisbiyada mucaaradka ayaa kasoo horjeestey tillaabadan kuwaasoo uu xitaa ku jiro xisbiga liberaalka ah ee Sooshiyaalka.

“Iraan miyay badashaa sharcigeeda sababtoo ah Danmark ayaa waxay dareemaysaa inay ka xun tahay waxa Iran samayn karto? Pakistan, Sacuudi Carabiya iyagu ma bedelayaan? Jawaabtu waa maya.” ayay is waydiisey, Karina Lorentzen oo ka tirsan Socialist People’s Party oo xumaatay ansixinta sharciga.

Hadalsame Media