FT oo kashifay arrin bahdil ah oo uu MBS ku sameeyey dalka Ingiriiska kahor booqashadii Putin ee Sucuudiga

0

(Hadalsame) 09 Dis 2023 – Dhaxal-sugaha Sucuudiga ayaa la sheegayaa inuu ”yasmo” diblomaasi ah kula kacay dalka Ingiriiska kahor intaanu soo dhowaynin MW Ruushka ee Putin.

Sacuudi Carabiya ayaa meesha ka saartay qorshihii uu Maxamed bin Salmaan uu ku tegi lahaa London horraantii bishan, maalmo kahor inta uusan magaalada Riyaad ku martigelinin Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin, sida uu qorayo Financial Times, isagoo soo xiganaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK.

London iyo Riyaad ayaa waxay ku jireen wada xaajoodyo ku saabsan booqashadan suurtagalka ahayd ee amiirka dhaxal-sugaha ah, oo sidoo kale loo yaqaan MBS, muddo bilo ah.

Saraakiisha UK ayaana sheegay in labada dhinac ay ka shaqaynayeen in 3-da bisha Diseembar ay noqoto taariikhda suurtagalka ah, laakiin qorshooyinkan ayaa si lama filaan ah loo hakiyey todobaadkii hore.

Taa baddalkeeda, MBS waxa uu Putin ku martigaliyey Riyaadh Arbacadii, iyadoo uu Madaxwaynaha Ruushku uu safar hal maalin ah ku tegey gobolka – safarkiisii ugu horreeyey ee Bariga Dhexe tan iyo bilowgii khilaafka Ukraine bishii Febraayo 2022.

Saraakiisha sarsare ee UK iyo mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka walaacsan isu dhowaanshaha booqashadii uu dhaxal-sugahani ku tegi lahaa Britain ee sida muuqata la baajiyey iyo socdaalkii Putin ee Bariga Dhexe.

Hogaamiyihii hore ee xisbiga muxaafidka ah ee Tory, Sir Iain Duncan Smith, ayaa ku tilmaamay isagoo la hadlaya FT mid la yaab leh, isagoo dib u dhigista muuqatana ku sheegay inay tahay “jac lagu dhejiyey” UK.

Hadalsame Media