Hoggaamiyaha Xisbiga cunsuriga ah ee SD oo qalqiil la geliyey kaddib markii weerar lagu qaaday (Maxaa dhacay?)

0

(Gothenburg) 09 Dis 2023 – Hogaamiyaha Xisbiga cunsuriga dalka Sweden ee Jimmie Åkesson iyo koox siyaasiyiin ah oo la socotey ayaa habeenimadii Khamiistii weerar lagu qaaday.

Siyaasiyiintan ayaa iyagoo ku cawaynaaya goobaha ay khamriga ku cabaan (Night club) oo ku yaalla magaalada Göteborg (Gothenburg) waxa lagu weeraray qasacado ama koombooyin laga cabay biir iyo candhuuf.

Waxa markiiba soo dhexgalay Booliiska Nabad Sugidda dalka Sweden oo loo qayladhaamiyey, kuwaasoo ka celiyey kooxdii weerartay.

Meesha lagu weeraray hogaamiyaasha xisbiga SD ee uu ugu waynaa Jimmie Åkesson waa Park Lanes oo ku taalla magaalada Göteborg.

”Xaalad qalalaase ah ayaan muquurannay.” ayuu yiri Tobias Andersson, oo ku caan baxay jeedinta khudbado muujinaya nacayb xad dhaaf ah oo ka dhan ah soogalootiga ku dhaqan Sweden.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media