Soomaalida Maraykanka oo u ”hanjabtey” iskuullo laga bilaabay buugaag lagu xayaysiinayo LGBTQ+ (Caqliga ay ciyaareen?)

0

(St. Louis Park) 09 Dis 2023 – Warqad lagusoo diray magaca qoysaska Muslimiinta ah ee St. Louis Park ayaa ku hanjabaysa in tallaabo sharci ah la qaadi doono haddii aan waalidka la ogaysiin oo aan loo oggolaan carruurtooda inay ka baxaan doodaha fasalka ee ku saabsan galmada iyo mawduucyada LGBTQ+.

Warqaddan, oo markii ugu horreeysay lagu soo qoray Joornaalka Sahan, ayaa loo diray maamulaha guud iyo guddiga dugsiga iyadoo la marsiiyey First Liberty Institute, oo ah shirkad sharci oo Christian ah oo muxaafid ah taasoo fadhigeedu yahay Texas taasoo u dagaallanta kiisaska khuseeya First Amendment ee xorriyadda diinta.

Qoysaskan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin Muslimiin muxaafid ah oo dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay kasoo haajirey Soomaaliya. Carruurtooda, oo ka diiwaangashan Dugsiga Hoose ee Aquila iyo Susan Lindgren Elementary School, ayaa laga bilaabay buugaag ay ku sawiran yihiin kooxaha LGBTQ+, taas oo keentay ” jahawareer iyo dhibaato wayn,” sida ay warqaddu leedahay.

Mid ka mid ah buugaagta, “Our Subway Baby” ayaa ka sheekaynaya sheekada sida ”nin nin kale la nool” ay u korsadeen ilmo yar. Buug kale oo sawir ah, “Ho’onani: Hula Warrior” wuxuu qeexayaa ilmo queer ah oo raba inuu ku biiro wiilal qoob ka ciyaaraya.

Buugaagtu waa qayb ka mid ah manhajka cusub oo wax-akhriska kaasoo la bilaabay dayrtii, loona qorsheeyey in lagu daro sheekooyin badan oo LGBTQ ah, iyo sidoo kale kala wax lagu sheegay kala duwanaanshaha badan ee xagga jinsiga, dhaqanka, iyo luuqadda ah.

Warqadda ayaa waxaa kale oo ku dhigan in dhowr waalid ay ka hadleen welwelkooda horraantii Oktoobar, taasoo ay soo gudbiyeen codsi ka-dhaafitaan ah iyagoo tixraacaya siyaasadda guddiga dugsiga, ee u oggolaanaysa ardayda in laga dhaafo ka qaybgalka arrimaha la isku khilaafsan yahay ama muranku ka taagan yahay haddii waalidku codsado.

Si kastaba ha ahaatee waalidiinta ayaa xilligaa u sheegay in agabkani ay qayb ka yihiin manhajka waxbarashada, ka bixitaankiisuna aanay suurtogal ahayn.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media