RASMI: Dowladda Turkiga oo barwo lagusoo qabanayo u jartay wiilka MW Somalia

0

(Ankara) 09 Dis 2023 – Dowladda Turkiga, ayaa markii ugu horeysay war dawladeed, kasoo saartay shil baabuur oo dhimasho sababay, dhacayna dhammaadkii bishii November, hayeeshee soo shaac-baxay maalmo kahor, iyadoo shilkaas lagu galay baabuur ay leedahay Safaarada Soomaaliya ee Turkiga, oo uu watay Maxamed Xasan Sheekh, oo uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud magaalada Istanbul oo qoraalkan soo saaray ayaa u sheegay Muwaadiniinta dalkiisa, in 6dii bishan uu dhintay muwaadin Turkey ah oo shilkaas dhaawac kasoo gaaray, 8dii bishana la amray in lasoo xiro wiilka MW Xassan Sheekh ee gaariga waday, hayeeshee la ogaaday in 2-dii bishan laga saaray dalka Turkiga.
“Dowladda Turkiga iyadoo la isticmaalaysa jid kasta oo caalami ah oo fududeynaya in lasoo qabto Tuhmanaha, ayay qaadaysaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha guud ee Turkiga.

Dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka hadlin warkan oo socday maalmihii lasoo dhaafay, laakiin ay maanta ugu dambeyn ka hadashay dawladda Turkiga oo baadigoobaysa wiilka MW Xassan Sheekh.

May be an illustration of text

W; D: Faarax Cabdulqaadir Maxamed

Hadalsame Media