XOG: Arrin uu MW Somalia doonayo inuu si gaar ugala hadlo dalalka IGAD ee ku shirsan Jabuuti

0

(Hadalsame) 09 Dis 2023 – Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay oo Jimco ahays gaarey magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, halkaasoo uu kaga qaybgelayo kalfadhiga 41-aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda dalalka IGAD.

Madaxwaynayaasha dalalka Eritrea, Ethiopia, Somalia, South Sudan, Sudan, Uganda, iyo martigaliyaha ayaa sidoo kale kulankan ka qaybgelaya.

Shir madaxeedka IGAD ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo kala duwan oo muhim u ah gobolka iyo caalamka, sida amniga, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, iyo isbedelka cimilada.

Shirwaynihii 40-aad ee aan caadiga ahayn ee ugu dambeeyey mid noocan ah oo ay yeeshaan madaxda iyo dowladaha IGAD ayaa 16-kii Abriil, 2023, diiradda lagu saaray xaaladda Suudaan.

Sidoo kale, Madaxwayne Maxamuudka Somalia ayaa kulamo la qaadan doona madaxda kale ee dalalka oo uu kala hadli doono arrimaha amniga gobolka, gaar ahaan qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya iyo xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hadalsame Media