”Sidee garoonka ugu jiraa baas yarba ma sixi karee?!” – Taageerayaasha Gunners oo weerar ku qaaday Havertz & Waxa uu sameeyey (Daawo)

0

(London) 27 Agoosto 2023 – Taageerayaasha Arsenal ayaa waxay baraha bulshada uga jeexjeexeen Kai Havertz, gaar ahaan baas guuldarraystay oo uu dhigaykulankii Fulham ay shalay kooxdiisa 2-2 ku qabatay.

Yeelkeede, qaar kale ayaa weli ku adkaysanayaan inuu laacibka reer Jarman u baahan yahay uun inuu waqti ku filan helo ka helo kooxda Arsenal oo xagaagii ka keensatay Chelsea.

Taageerayaashu waxay si gaar ah usoo qaateen baas uu Gabriel Martinelli kubad ku dhufsi ah u taabtay Havertz , laakiin taa beddelkeeda ninkan £65m ah ayaa kubbaddii u celiyey si muujinaysa is faham la’aan.

Baaskan laba yaardi ah ayay taageerayaashu ka dhigteen moowduuc ay ku maagaan laacibka oo ay taageerayaasha Gunners dareemayaan inuu ku joogo xerada Emirates dookh xumada macallinkooda.

Yeelkeede, qaar kale oo isla jamaahiirta kooxda ah ayaa waxay garteen in kimisteriga iyo isfahamka laacibiinta ee gudaha garoonku uu inta badan yahay hab iyo geeddi-socod si tartiib tartiib ah ku yimaada.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa soo qoray: ‘Waxaa iga degi la’ sida nin sida Havertz oo kale ah oo aan xitaa si sax ah u samayn karin hal baas oo gaaban uu garoonka ugu jiro.’

Fans on Twitter mocked Kai Havertz for his passing against Fulham, though some leaped to his defence

Hadalsame Media