Maxkamadda Dastuuriga oo laashay go’aankii ay muddada ku kororsadeen Baarlamanka Puntland

0

(Garoowe) 10 Dis 2023 – Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland ayaa laashay go’aan kasoo baxay odayaal beri dhowayd sheegay inay muddo kordhin hal sano ah u sameeyeen Baarlamanka Puntland.

Maxkamadda ayaa baabi’inta go’aanka muddo kordhinta u daliishatey Qodobka 60-aad faqraddiisa 3-aad oo si cad u diidaya in Isimadu ay muddo kordhin u sameeyaan Baarlamanka.

Waxay Maxkamadda Dastuuriga ihi go’aankeeda ku sheegtay in muddo-xileedka Baarlamanku uu yahay 5 sanadood oo ka bilaabanaysa maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

Waxay Maxkamadda oo sidoo kale cuskatay Qodobbada 95 iyo 96-aad ay ugu baaqday Golaha Wakiilladu inay sidaa uga haraan go’aanka ay muddada ku kororsadeen maadaama ay sharci darro tahay, sida ay sheegtay.

Halkan hoose ka aqriso….

Image

Image

Hadalsame Media