Iiraan oo yeelatay cudud cusub oo ay qirtay saxaafadda Israel + Sawirro (Maxay soo bandhigtay?(

0

(Tehraan) 10 Dis 2023 – Iran ayaa sheegtay inuu door cusub yeelan doono daroonka Karrar. Waxa ay diyaaraddaasi ku hubaysay wax ay ugu yeertay gantaalaha cir ka cirka ah ee Majid. Diyaaradan ayaa waxa ay gaari kartaa masaafo dhan 1,000km, sida ay horay u sheegtay Iran.

Diyaaradan oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa horay iyadoo la adeegsanayo xogo sirdoon lagu arkay iyada oo sidda gantaalaha cir ka cirka ah dabayaaqadii bishii Oktoobar. Tani se waa ku dhawaaqistii ugu dambaysey ee taliska Iran ee ah in diyaaraddan aan duuliyaha lahayn loo adeegsan karo difaaca hawada.

Xaflad cusub oo la qabtay, Wakaaladda Wararka Tasnim News ee Iran ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Karrar ay hadda ku biireen unugyada difaaca cirka ee Iran.

Isku darka diyaaraddan aan duuliyaha lahayn iyo gantaalkan lagu xirey waxay Iran siinaysaa nooc cusub oo awood cireed ah, sida ay ka marqaati kacday warbaahinta Israel.

In Iraan ay hesho gantaalo hawada wax ka qabtaana waxay kordhinaysaa awoodaha waddanku u leeyahay inuu difaaco xuduudihiisa dheer. Si kastaba ha ahaatee, tani waxay u baahan doontaa in dalkani uu yeesho diyaarado badan oo aan duuliye lahayn oo hubaysan ama diyaar ah mar kasta.

Waxa kale oo ay u baahan doontaa in dalku yeesho raadaar sax ah oo gacan ka gaysta ogaanshaha bartilmaameedyada qalaad iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Halkan ka DAAWO sawirrada….

Hadalsame Media