Faylal SIR CULUS ahaa oo ku saabsan ninkii khaarajiyey John F. Kennedy oo la baahiyey (Inta dal ee uu isu maray & Dal fari ku godan tahay?)

0

(Hadalsame) 10 Dis 2023 – Hay’adda Sirdoonka Finland (SUPO) ayaa shaaca ka qaadday fayl 60-jir ah oo faahfaahinaya booqashadii qarsoodiga ahayd ee uu Lee Harvey Oswald ku tegay Helsinki kahor inta uusan u goosan Midowgii Soofiyeeti, wax yar uun kahor afar sano inta uusan khaarajin Madaxwaynihii Maraykanka ee John F. Kennedy 1963-kii.

Oswald waxaa ku xukumay Komishankii Warren bishii Sebtembar 1964-kii inuu ahaa ninka keliya ee toogtey MW ee xabbada kasoo ridey kaydka buugaagta Dugsiga Texas ee Elm Street oo ah bartamaha Dallas oo uu ku diley Kennedy Nofeembar sanadkii ka horreeyey.

Maalin kaddib dilkii Kennedy – Nofeembar 23, 1963-kii – SUPO waxa ay qoraal ka samaysay safarkii Helsinki ee Oswald kaasoo sawiraya mid ka mid ah dadkii ugu caansanaa qarnigii 20-aad.

Faylasha cusub ee lasoo bandhigay ayaa muujinaya in Oswald oo hore uga tirsanaa US Marines, oo markaa 19 jir ahaa, uu degey Hotel-ka Helsinki ee Torni Oktoobar 10, 1959-kii oo uu ijaartey 5 habeen, laakiin uu joogay 2 habeen oo keliya, Yle News ayaa Sabtigii sheegtay.

Codsiga Baasaboorkii Maraykanka ee Oswald ayaa muujinayey in ujeedka safarkiisu uu ku sheegay inuu waxbarasho u raadsanayey Switzerland ama Jaamacadda Turku ee Finland.

Si kastaba ha noqotee, sida Yle uu xusay, codsigii Oswald ee jaamacadda Finland waxay caddeeyeen inay been abuur iyo mala-awaal tahay. In kastoo ay dadaal sameeyeen, mas’uuliyiinta Finland misna way awoodi waayeen inay ogaadaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqiisaas muddadan kooban.

Oktoobar 12, 1959 Oswald wuxuu ka dalbaday fiisaha USSR Safaaraddii Soofiyeedka ee Helsinki, Guddiga Warren ayaa mar dambe sidaa ogaadey, iyadoo si aan caadi ahayn markiiba ogolaanshaha loo siiyey si dhaqso ah.

Faahfaahinta ku saabsan imaatinkiisa Helsinki ayaa sidoo kale ah mid qarsoodi ah. Hubanti la’aanta wadada saxda ah ee uu ku yimid ayaa keentay in la isla dhex maro inuu Finland kaga yimid dhinaca England ama Sweden midkood.

Baaritaanka SUPO, ayaa lagu ogaadey inay aad ugu dhowdahay in Oswald uu kaga yimid jidka Stockholm diyaarad ama doon. Adeegga Sirdoonka Finland ayaa sidoo kale go’aamiyey in intii uu Helsinki joogey, Oswald uu “sida muuqata sugayey fiise.”

Waxa kale oo ay xustay in kaddib islamarkii uu ka tegay Helsinki, Oswald uu Moscow uu ku dhowaad islamarkiiba u muujiyey xiisaha uu u qabo helitaanka dhalashada Soofiyeedka. Oswald wuxuu ku qaatay qiyaastii laba sano iyo bar Midowga Soofiyeeti, inta badanna wuxuu joogey Minsk, Belarus-ta maanta, halkaasoo uu uga shaqeeyey wershad toorno ah.

Qaybo kale duwan oo dokumentiyada ka mid ah oo ku saabsan dilkii Kennedy oo ay Dowladda Maraykanku sii daysey sannadkii hore ayaa laga soo xigtey faallooyin kasoo baxay saraakiishii hore ee KGB oo sheegay in “marnaba” aanu Oswald ahayn wakiil ka tirsanaa KGB, iyadoo loo tixgeliyey inuu ahaa “nin waalan oo aan la saadaalin karin” sanadihiisii Soviet-ka.

Hadalsame Media