Maraykanka oo Hindiya u ”haysta” khaarajin lagu eedeeyey inay isku dayday inay dalkaa ka samayso (Mid kale oo Canada ka dhacday)

0

(New Delhi) 12 Dis 2023 – Agaasimaha FBI-da Maraykanka, Christopher Wray, ayaa dhiggiisa Hindiya kula kulmay magaalada New Delhi Isniintii, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu eedaynayo in Hindiya ay ku lug lahayd isku-day lagu dili rabey hoggaamiyaha gooni-u-goosadka dadka Sikhism-ka ee deggan New York.

Wray, oo booqasho saddex maalmood ah ku jooga Hindiya, ayaa wadahadal la yeeshay Agaasimaha Xarunta Dhexe ee Baarista (CBI), Praveen Sood. Mas’uulkan Maraykanka ah ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kulamo gaar ah la yeesho madaxda Hay’adda Dabagalka Qaranka India (NIA), Xafiiska Sirdoonka, iyo Garabka Cilmi-baarista iyo Falanqaynta (RAW), iyo sidoo kale La-taliyaha Amniga Qaranka, Ajit Doval, sida ay sheegtay warbaahinta Hindiya goor dhow.

Booqashada Wray ee Hindiya waa tii ugu horreeysey oo uu madax FBI ihi ku tago muddo 12 sano ah, waxayna kusoo beegantay iyadoo uu socdey baaritaan ku saabsan in Dowladda Hindiya ay ku lug lahayd isku daygii dil ee nin u dhaqdhaqaaqa dadka haysa diinta Sikhism-ka oo ka dhacay New York.

Bartilmaameedka, oo ahaa Gurpatwant Singh Pannun, waa aasaasaha Sikhs for Justice (SFJ), oo ah urur u ololeeya abuurista gobol la yiraahdo Khalistan. SFJ ayaa mamnuuc ka ah Hindiya, halka Pannun uu ku jiro wax lagu sheegay ”liiska argagixisada la raadinayo.”

Sida laga soo xigtey eedeymaha maxkamada Maraykanka, sarkaal ka tirsan Sirdoonka Hindiya, oo aan magaciisa la sheegin, ayaa wuxuu si toos ah ula shaqeeyey muwaadin Hindi ah oo la yiraahdo Nikhil Gupta si uu u abaabulo isku day dil oo ka dhan ah Pannun oo ka dhaci lahaa New York bishii Juun. Gupta ayaa lagu xirey Jamhuuriyadda Czech waxaana uu sugayaa maxkamad.

Kiiskan ayaa si dhow loola xiriirinayaa dilkii Hardeep Singh Nijjar oo isna u dhaq dhaqaaqayey dadka Sikh-ga ah, kaasoo lagu diley Canada bishii Juun ee sanadkan.

Bishii Sebtembar, Ottawa waxay si cad Hindiya ugu eedaysay inay ku lug lahayd dilka Nijjar.

Hadalsame Media