Shir Somalia muhim u ah oo furmaya & Dalalka ka qaybgelaya (Dhismaha Ciidanka & Laba ajende oo kale)

0

(Hadalsame) 12 Dis 2023 – Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada Qaranka iyo howlgallada Xoraynta dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qaybgelaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana ka mid ah: Madasha waxaa ku sugan dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

waxaana kulankan looga hadlayaa ajandeyaashan 3-da ah ee hoos ku dhigan:

1 – Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2 – Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3 – Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan soo gaaray Xarunta Qaramada Midoobey ee New York si uu u guddoomiyo shirka amniga Soomaaliya.

Hadalsame Media