Sawirka haweeney ”Soomaali” ah oo loosoo qaatay warbixin ku saabsan dal ka sheeganaya cayrta uu siiyo soo galootiga

0

(Hadalsame) 12 Dis 2023 – Kharashaadka Dowladda Nederland uga baxa soogalootiga ayaa ka badan celceliska kharashka waxbarashada, amniga bulshada iyo beenshinka, sida lagu sheegay daraasad cusub.

Kharashka saafiga ah ee arrimaha socdaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu gaarey in ka badan €400 bilyan oo Euro ($430 bilyan oo ah heerka sarrifka hadda) muddo ku dhow 25 sano.

Daraasaddan oo cinwaan looga dhigay “Cayrta aan xuduudda lahayn: Cawaaqibta Socdaalku ku leeyahay Maaliyadda Dadwaynaha,” ayaa lagu ogaadey in kharashyada gala soo galootiga Nederlaan ay isu gayn ahaan tahay €17 bilyan oo Yuuro sanadkii celcelis ahaan, iyadoo weliba €32 bilyan oo Yuuro gaartey 2016 taasoo ay sabab u tahay xasaraddii qaxootiga ee 2015-kii.

Qorayaasha daraasaddu waxay ku nuuxnuuxsadeen in kharashku uu inta badan ka dhashay dib-u-qaybinta maaliyadeed ee dowladda ee dhanka daryeelka & cayrta, waxayna kusoo gabagabeeyeen in ama la yareeyo soo-galootiga, ama nidaamka cayrta Nederlaan lacag badan laga jaro.

Sanadkii 2016-kii oo kaliya, Dowladda Nederlaan ayaa la sheegay inay waxbarashada ku bixisay ilaa €30 bilyan oo Yuuro, taasoo ka dhigan wax €2 bilyan oo Yuuro oo qura ka yar lacagtii ay ku bixisay muhaajiriinta isla sanadkaas 2016-kii.

Daraasadda ayaa sidoo kale sheegtay in dalal ay ugu horreeyaan Turkey iyo Morocco ay saamayn xun ku leeyihiin dalka Nederlaan. Celcelis ahaan qofka Marookaanka ah waxay Dowladda Nederlaan gelisaa €260,000 oo Yuuro qofkiiba.

Dadka ka yimaada Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ayaa iyana lagu sheegay kuwo aan dalka soo gelin wax u dhigma lacagta ay Dowladdu dadkaa ku khasirto.

Dadka Indha-yarta ah ayay se sheegtay inay woxoogaa saamayn togan ku leeyihiin dhaqaalaha dalkaasi, halka dadka ka yimaado dalalka kale ee reer Galbeedka ah iyo guud ahaanba soo galootiga la sheegay inay ka qaaraan yar yihiin dadka dhaladka ah ee dalka Nederlaan.

Waxaase yaab leh, in Warbaahinta Dowladda Ruushka ee RT oo warbixintan soo xigatey ayaa wax u eg haweeney Soomaali ah sawirkeeda usoo qaadatay, taasoo ah soocid u gaar ah Soomaalida oo aan ahayn soo galootiga ugu badan ama ugu dhibka badan dalkaasi, sida ay daraasadda lafteedu caddaysay.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media