Sucuudiga oo agaasimaya shir uusan Ruushku ku faraxsanayn balse khuseeya + Danta laga leeyahay

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2023 – Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ay martigeliso wadahadallo nabadeed oo caalami ah oo ku saabsan dalka Ukraine oo ay ka qaybgelayaan Maraykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah waddamada Aasiya, Afrika iyo Latin America, sida ay diblomaasiyiin u sheegeen Wall Street Journal.

Ruushka ayaa laga saaray kulankaas oo ay qabanqaabinayaan quwadaha reer Galbeedka iyo Ukraine, sida ay faafisay warbaahintani Sabtidii.

Ilaa 30 wadan ayaa lagu casuumay inay ka qaybgalaan kulan ka dhici doona Jeddah 5-ta iyo 6-da Agoosto, waxaana kamid ah India, Brazil, Indonesia, Egypt, Mexico, Chile iyo Zambia, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay intaa ku dareen in aanay weli caddayn inta waddan ee ugu dambaynta wufuud u diri doona Sucuudiga.

Sida laga soo xigtey diblomaasiyiinta, UK, South Africa, Poland iyo EU ayaa ka mid ah dalalka horayba u aqbalay martiqaadkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa la filayaa inuu ka soo qaybgalo kulanka, sida uu WSJ u sheegay qof ogaal u leh qorshaha.

Sacuudi Carabiya, oo xiriir wanaagsan la leh Shiinaha, ayaa loo doortay inay noqoto goobta shirka taasoo qayb ka ah rajada laga qabo in Beijing lagu qanciyo inay ka qaybgasho wadahadalka, ayaa lagu yiri warbixinta.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo aan gebi ahaanba meesha laga saarin suurtagalnimadaasi, misna Shiinuhu uma badna inay u safraan Sucuudiga, sida lagu xuday warka ilo-wareedka.

Wadahadalladan oo daba socda kulan kan la mid ah oo ka dhacay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark dabayaaqadii bishii Juun, ayaa ah isku day ay reer Galbeedku ku doonayaan inay “taageero uga helaan dalalka waawayn ee soo koraya, kuwaas oo intooda badan dhexdhexaad ka ahaa dagaalka Ukraine” iyo dalabaadyada dalabyada nabadeed ee Kiev, sida uu qoray WSJ.

Hadalsame Media