QM oo kashiftay qorshe halis ah oo ay dadka reer Gaza la maaggan tahay (Arrin aan dhicin tan iyo 1948-kii)

0

(Qasa) 11 Dis 2023 – Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa dejinaya qorshe gogol-xaar ah oo ku qotoma in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulka yar ee u haray.

Qorshaha ayaa in Masar loo eryo, iyagoo abuuraya shuruudo aan suurtogal u ahayn inay weligood ku noqdaan guryahoodii la burburiyey ee Gaza, sida uu sheegay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobey.

“Qaramada Midoobey iyo dhowr waddan oo xubno ka ah, oo uu ku jiro Maraykanku, waxay si adag u diideen in si khasab ah looga saaro dadka Marinka Gaza,” Madaxa Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobey (UNRWA), Philippe Lazzarini, ayaa ku qoray wargeyska Los Angeles Time.

“Laakin horumarka aan aragno ayaa tilmaamaya in la isku dayayo in Falastiiniyiinta loo barakiciyo Masar, iyada oo aan dan laga gelin haddii ay sii joogayaan halkaa ama in dib loo dejiyo meelo kale.”

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Israa’iil ayaa beeniyay eedeynta Lazzarini, isagoo sheegay in Israel aysan weligood keenin qorshe ay dadka Qaza ugu riixayaan dhanka Masar.

Si kastaba ha ahaatee, laba xildhibaan oo Israa’iili ah ayaa bishii hore ku qoray wargayska Wall Street Journal inay jeclaan lahaayeen inay arkaan dalalka adduunka oo soo dhaweeya qaxootiga Gaza ee doorta inay guuraan.

Dagaalka Israa’iil iyo Xamaas waxa uu guryahoodii ka saaray in ka badan 1.8 milyan oo reer Gaza ah, waana barakacii ugu waynaa ee Falastiiniyiinta qabsada tan iyo 1948-kii, ayuu yiei Lazzarini.

Ku dhowaad 18,000 oo qof ayaa ilaa haatan lagu diley Gaza halka ay kumannaan kale maqan yihiin, cilmi baaris ay samaysay Israa’iil ayaa lagu sheegay in 61% dadka ku dhintay duqaymaha ay fuliyeen IDF ay ahaayeen rayid.

Hadalsame Media