Dalkii 3-aad oo EU ah oo qayb ahaan xadka ka xirtey gaadiidka xamuulka ah ee Ukraine

0

(Hadalsame) 11 Dis 2023 – Gaadiidlayda Hungary ayaa shalay banaanbax ka dhigay meel ku dhow bar kontorool oo ku taal xuduudka Ukraine, waxayna caqabad u dhigeen baabuur kasta oo isku daya inuu gudaha u galo ama ka baxo dalkaasi.

Waxay dalbanayaan in Brussels ay soo gudbiso kootada baabuurta xamuulka ah ee Ukraine ee soo geli karaya Midowga Yurub.

Sida laga soo xigtey kanaalka TV-ga M1, baabuurta gaarka ah iyo basaska ayaa loo oggol yahay inay maraan barta koontarool ee Zahony-Csop ee looga gudbo labada dal, laakiin bannaanbaxayaashu waxay ogol yihiin oo keliya laba baabuur oo xamuul ah (truckers) saacaddii inay ka gudbaan xadka dhinac kasta oo ay u socdaan.

Natiijo ahaan, Booliiska Hungary ayaa waxay ku qiyaaseen in waqtiga sugitaanka baabuurta iyo basaska ee isbaarada Zahony-Csop uu hadda yahay 30 illaa 60 daqiiqo, halka baabuurta waawayn laga yaabo inay sugaan in ka badan 48 saacadood si ay dalka u galaan ama uga baxaan.

Waddada istaraatiijiga ah ee Carpathian ee xudduudda Hungary iyo Ukraine, ayaa iyana ku kaliftay booliiska inay u leexiyaan qaar ka mid ah baabuurta xamuulka ah dalka Romania, halkaasoo ay sidoo kale hadda jirto saxmad dherer badan oo dhowr kiiloomitir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Hungarian-ka ah ee Utinform.

Bannaanbaxan baabuurlayda ayaa waxaa fasaxay booliiska, kaasoo u oggolaaday in ku dhowaad 12 baabuur oo xamuul ah ay qayb ahaan ku xiraan waddada. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax xog ah oo ku saabsan waqtiga ay u socon doonto xannibaadda qaybeed. Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegtay in tallaabooyinkani ay sii socon karaan illaa dhammaadka bishan.

Mudaaharaadyada ka jira marinka Zahony-Csop ayaa daba socda mudaaharaadyo la mid ah oo ka socdey Poland iyo Slovakia toddobaadyadii la soo dhaafay, halkaasoo gaadiidlaydu ay sidoo kale xannibeen soohdinta ay la wadaagaan Ukraine, iyagoo dalbanaya in Brussels ay soo celiso nidaamkii kootada oggolaanshaha gaadiidka xamuulka Yukreen ee u gudbaya Midowga Yurub oo ay sheegeen inay badar rakhiis ku hafiyeen suuqa.

Arrintan ayaa ka hor imanaysa qiiradii ay markii hore reer Galbeedku u muujiyeen Ukraine, taasoo ahayd sababta ugu wayn ee ay foolka ugu diireen dalka ay deriska yihiin ee Ruushka.

Hadalsame Media