Ruushka oo si rasmi ah uga hadlay xiriirka uu la leeyahay kooxda Xamaas (Putin oo hal arrin ka diidey Galbeedka & Israel)

0

(Moscow) 11 Dis 2023 – Tan iyo 7-dii Oktoobar, Ruushku waxa uu garab istaagey Xamaas, waxa uuna Putin diidey inuu dhaleeceeyo weerarkii dilaaga ahaa ee uu ururku ka gaystey galbeedka Negev, waxa uuna su’aal galiyey waxa lagu sheego ”xaqa ay Israel u leedahay in ay is difaacdo.”

Wefdi uu hoggaaminayey Mousa Abu Marzook oo ah aasaasaha iyo hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas, ayaa la kulmay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Ruushka ee Mikhail Bogdanov.

Marzook, oo musaafuris ugu nool Qadar, ayaa u safray Moscow kaddib markii uu kulan hore magaalada Doha kula yeeshay Bogdanov iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Iran, Ali Bagheri Kani.

Xiriirka Ruushku uu la leeyahay Xamaas waxa uu ku kooban yahay oo keliya garabka siyaasadda ee kooxda Falastiniyiinta ee fadhigeedu yahay dalka Qadar, sida uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sergey Lavrov dhagaystayaasha ugu sheegay kulan online ah oo ka dhacay magaalada Doha Axadii.

“Xamaas waxa ay fulisey weerar argagixiso 7-dii Oktoobar, kaasoo aanu islamarkiiba cambaaraynnay. Xamaas waxay leedahay laan siyaasadeed oo ka howlgasha magaalada Dooxa, waxaanan xiriir la leenahay laantaas siyaasadda, waxaana islamarkiiba la xiriirney dadka u jooga magaalada Dooxa si aan ugala hadalno aayaha dadka la qafaashay,” ayuu yiri Lavrov.

Markii Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen xabbad joojin ku meel gaar ah iyo la haystayaal iswaydaarsaday bishii hore, Ruushku waxa uu ka daadgureeyay in ka badan 750 muwaadiniintiisa ah, oo ay ku jiraan 300 oo carruur ah, aagga dagaalka, kuwaasoo inta badan dib ugu duulay Moscow.

Hadalsame Media