Arrin soo korortay oo saamayn ku yeelan karta dagaallada ka soconaya dunida

0

(Hadalsame) 11 Dis 2023 – Arrin soo korortay oo saamayn ku yeelan karta dagaallada ka soconaya dunida sida midka Ukraine IWM.

Yaraanta saadka baaruuda caalamiga ah ayaa waxay dhalin kartaa koror la taaban karo oo ku yimaada qiimaha rasaasta, sida ay ka digtey shirkadda Maraykanka ah ee Vista Outdoor, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Newsweek.

Shirkaddan fadhigeedu yahay Minnesota, oo leh dhowr ganacsi oo hubka ah, ayaa wargayska u sheegtay todobaadkii hore inay sii wadi doonto kordhinta guud ahaan  qiimaha baaruudda marka la gaaro 1-da Janaayo.

“Dhacdooyinka adduunka awgood agab-qaybiyeyaasheennu waxay nagu wargeliyeen baahida aan horay loo arag iyo baahida la filayo ee caalamiga ah ee rasaasta, sidaas darteedna waxay taasi kordhisey qiimaheenna,” ayuu yiri Madaxweyne ku Xigeenka Vista Outdoor, Brett Nelson, oo laga soo xigtey warkan. “Sidaa darteed waa inaan sare u qaadnaa qiimaheenna.” ayuu raaciyey.

Vista Outdoor waxa kale oo ay u sheegtay macaamiisha in ilaa ay joojiyaan daabulista mooyaane, shirkaddu ay dib sicir kordhin ugu samayn doonto “dalabyada jira iyo kuwa mustaqbalka ee dalban Jannaayo 1, 2024.”

Liisaska qiimaha cusub ee dib loo eegay ayaa la faafin doonaa toddobaadyada soo socda, sida uu sheegay Nelson.

Warbixintu waxay tilmaantay in shirkadaha laga filayo inay kordhiyaan qiimaha rasaasta ay ka mid yihiin Remington, Alliant Powder, CCI, Federal, SEVI-Shot, iyo Speer.

Arrintan ayaa waxaa qayb ahaan u sabab ah kala go’ii xilligii Covid-19 iyo dagaalladii is xigey ee Ukraine iyo midka haatan ka soconaya Marinka Gaza. Lamase oga in kororsani uu dagaallada yarayn karo iyo in kale.

Hadalsame Media