RW Xamse oo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu casriyaynayo hannaanka dowladnimada (30 qof oo lasoo baray….)

0

(Muqdisho) 12 Dis 2023 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uu hormuud u noqdo wax uu ku sheegay ”isbeddelka iyo hannaanka dowladnimada casriga ah”, si meesha looga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta adeegyada dowladda iyo isbeddel horumar oo waara.

”Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay hoggaanka Tiirarka Xukuumadda ayaa ku booriyey in xubnihii hey’adaha dowladda ee qaybta ka ahaa safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah ay hormuud ka noqonayaan horumarka bulsho, iyo dhaqan-dhaqaale ee Xukuumaddu u jiheyneyso dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Xamse.

”Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tiirarku ay laf-dhabar u yihiin howlaha Xukuumadda Dan Qaran, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo wax ku soo kordhiya noloshooda.

”Waxaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay xubno ka badan 30 qof oo ka tirsan hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo dalka Maleysiya ku soo qaatay barnaamijyo la xiriira Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya.” ayaa la daba dhigay.

Hadalsame Media