Maamulka SSC Khaatumo oo si rasmi ah u qaatay Manhajka Waxbarasho ee DF Somalia (Somaliland & Puntland oo…?

0

(Laascaanood) 11 Dis 2023 – Maamulka SSC ayaa bilaabay qorshihii ugu horreeyey ee uu ku bedelayo manhajkii Somaliland ee laga dhigayey dugsiyada awal maamulkaa hoos tegayey sida kuwa ku yaalla Laascaanood.

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo, Abdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa maanta daah-furay Manhajka Waxbarashada Dowladda Faderaalka Soomaaliya, kaasoo lagu dhigi doono Dugsiyada Waxbarashada ee degaanada maamulka Khaatumo.

Tillaabadan ayaa sidoo kale ardayda ku dhaqan degaannadaasi ay kaga badbaadi doonaan iska dabawareeg iyo jahawareer ay sidoo kale ka maraan Maamulka Puntland oo isna leh manhaj waxbarasho oo diiddan midka Federaalka dhexe tiiyoo uu maamulkaasi sheegto inuu ka tirsan yahay DF.

Marar badan oo la isku dayey in halkaa la geeyo Manhajka Qaranka sida uu qabo Dastuurku, ayaa la isku afgaran waayey iyadoo aanu Maamulka Puntland keenin qiil macquul ah oo ay ku diiddan yihiin Manhajka Qaranka oo uu ardayga Soomaaliyeed xaq u leeyahay.

Hadalsame Media