DAAWO: Booliiska G Banaadir oo soo bandhigay haween soo duubay dhaqan xumo ay sameeyeen + Magacyada

0

(Muqdisho) 11 Dis 2023 – Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay haween ku eedaysan inay ku keceen arrin dhaqanxumo ah taasoo inta soo duubeen kaddibna ay ku faafiyeen baraha bulshada.

Haweenkan ayaa kala ah Ihaan Maxamud, Amal Sabriye iyo Raxmo Cabdullahi Xasan, iyadoo sadaxdaan dumarka ah ay Booliska Gobolka Banaadir kusoo bandhigeen xaruntooda markii lasoo qabtay.

Waxaa la sheegay inay yihiin dumarkii ka muuqdey sawirka haween garaacaya nin la sheegay inuu shukaansi ugu yimid mid ka mid ah hablahan oo guri ku ballamisay.

Deeto markii uu gurigooda yimid si uu midkood ula haasaawo ayay weerar ku qaadeen muuqaal ayayna ka duubeen iyagoo aad u garaacaya. Dhibanihii ayaa dacweeyey oo haatan sidaa ayaa gacanta loogusoo dhigay.

Dhaqankan ayaa marar hore sidoo kale kasoo muuqday meelo kala duwan, iyadoo ay ku yaqyaqsoodeen dad badan oo ka mid ah mujtamaca Soomaaliyeed.

Hadalsame Media