DAAWO: Ma Fannaaniinta Nimco Yaasiin & Farxiyo Fiska ayaa qaraabo ah?!! (Qoyskii 3-aad oo soo sheegtay Fanaanadda Nimco Yaasiin)

0

(Muqdisho) 28 Juun 2020 – Qoys Soomaali ah oo kale ayaa sheegtay inay iyaga ka maqan tahay Fanaanadda caanka ah ee Nimco Yaasiin Carraale oo ay sheegeen in la yiraahdo Muraayo Cumar Guure Kulmiye (Bulush).

Labada qof oo soo sheegtay oo tilmamay inuu mid ka wayn yahay, taasoo ah Xabiibo Cumar Guure Kulmiye iyo Salaad Cumar Guure Kulmiye oo isna sheegay inuu ka yar yahay, iyaga oo ku doodaya inay astaan sinta ku leedahay, sida ay sheegeen.

Xabiibo ayaa sheegtay in markii la waayayey Muraayo (Nimco) ay 4 jir ahayd, halka ay iyadu 7 jir ahayd oo ay 3 ka waynayd, iyada oo qoyskan oo Muqdisho ku sugani ay sheegeen inay doonayaan inay isu yimaadaan oo DNA la iskaga qaado, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay tagaan meelo badan sida Hargaysa, Nairobi IWM.

Dadkan oo sheegay inay u dhasheen Murusade yihiin isla markaana ay qaraabo yihiin Fannaanadda kale ee Farxiyo Fiska iyo Maryan Gawle oo ah gabar kale oo weriye ah, taasoo ka dhigan inay ku doodayaan in Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska ay qaraabo hoose yihiin.

Waxay noqonayaan ciddii 3-aad ee sheegta Nimco Yaasiin, marka lagu daro reer ay hadda u tirsan tahay oo ay is heleen 2007-dii.

Waloow uu warkani madmadoow badan leeyahay marka la eego is waafajinta da’da, dhacdooyinka iyo meelaha ay kusoo noolayd Nimco, waxaa misna la yaab leh inay Farxiyo Fiska iyo Nimco Yaasiin ay horay u sheegeen inay ”jees (qoys) qura yihiin”, waloow ay taasi ahayd aragti siyaasadeed oo ku saabsan koonfurta iyo woqooyiga Somalia.

Hadalsame Media