Ciidamada Ilaalada Xeebaha Turkiga oo dhex ka qabtay Giriigga oo doonaya inuu dad qaxooti ah xoog ku geliyo biyaha Turkiga (Daawo)

0

(Aegean) 07 Maarso 2020 – Ciidamada Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa Giriiga ku eedeeyay inay qaxootiga habqanka ah ula dhaqmayaan si naxariis darro ah iyagoo quusinaya saxiimadaha yar yar ee ay wataan, matoorrada ka burburinaya amaba isku deyaya inay dardaraan.

“Giriiggu wuxuu sii wadaa inuu ku tunto xuquuqda insaanka iyo xeerka caalamiga ah, marka la eego sida ay ula dhaqmayaan qaxootiga ka gudbaya Badda Aegean Sea,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay.

Guud ahaan 3,425 oo qof ayay Badda Aegean ka badbaadiyeen Ilaalada Xeebaha Turkigu sanadii 2019-kii, iyaga oo sanadkan 2020 durba badbaadiyey in ka abdan 1,700.

Turkiga oo saaran Bulgaria iyo Giriigga ayaa ah dalka ay soo maraan qaxootiga ugu badan ee u gudbaya qaaradda Yurub.

Waxaa la arkayey muuqaalka doonyaha Turkiga oo celinaya dooni dagaal oo ay Giriiggu leeyihiin oo doonaysey inay qaxootiga khasab ku geliso biyaha Turkiga.

Hadalsame Media