”Waa carareen isla markii ay na arkeen!” – Daraame ka dhex dhacay dayuurad Giriig ah oo qashqashaadday markab xamuul ah & maraakiib ilaalinaysey oo uu Turkigu leeyahay!

0

(Ankara) 10 Juun 2020 – Dayuurad nooca qumatiga u kaca ah oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Giriigga ayaa isku dayday inay joojiso oo baarto markab xamuul ah, balse kama warqabin inay gelbinayeen maraakiib dagaal oo uu Turkigu leeyahay, taasoo keentay inay dib u gurato oo cararto.

Arrintan ayaa ka dhacday Bariga Badda Dhexe ayaa waxaa ka hadlay sarkaal ka tirsan ciidamada Turkiga oo aan magaciisa sheegin, isagoo sheegay inay labada dhinac kala fogaayeen.

“Markaba Guriiggu wuu iska tegey isla markii uu maraakiibta Turkish-ka ee nooca frigates,” ayuu sarkaalku u sheegay Middle East Eye.

CNN Greece, oo markii 1-aad warkan faafiyey, ayaa sheegay in marabka Giriigga oo la yiraahdo “Spetsai” uu usoo dhowaadey markabka xamuulka sida oo sitey calanka Tanzania, kaasoo la yiraahdo Cirkin loogana shakisan yahay inuu shixnad hub ah u sidey Dowladda GNA ee Libya.

Markabkan ayaa la sheegay inuu ku socdey howlgalka Yurub ee IRINI, kaasoo looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo inuu hub u gudbo dalka Libya oo ay saaran tahay cunaqabatayn hubka ah.

Markabka oo socdey meel u dhow koonfur galbeed Crete ayaa waxaa soo dul istaagtey dayuuradda, balse waxaa soo wacay maraakiibta Turkiga oo u sheegay in ay markabkan ilaalinayaan Maraakiib dagaal oo Turki ah, waxaana markiiba amar siiyey Taliyaha Talyaaniga ah ee howlgalka IRIRINI ee Midowga Yurub oo la bilaabay bishii Febraayo, isagoo u sheegay inaysan amar u haysan inay farageliyaan maraakiibta ay ilaalinayaan ciidamada dal 3-aad.

Giriigga iyo Turkey ayaa dano is khilaafsan ka leh Libya, taasoo ay ugu wacan tahay xadka aagga gaaska hodonka ku ah ee bariga Badda Dhexe.

Markab dagaal oo ay Turkigu leeyihiin oo maraya jasiiradda Lesbos ee Giriigga

Hadalsame Media