Dibedbaxyo lagu codsanayo inay CADAALAD hesho Shukri Cabdi oo caalamka ka kala dhacay & dad caan ah oo taageeray + Sawirro

0

(London) 28 Juu 2020 – Kumannaan dad ah ayaa shalay dibedbax ka dhigay dalka Britain si ay u xusaan sanad guuradii 1-aad ee kasoo wareegtey geeridii faj’ada ahayd ee Shukri Abdi, oo ahayd gabar 12-jir ah oo Soomaali ah oo la diley bishan oo kale sanadkii tegey, taasoo la sheegay inay webi ku hafatey, iyadoo ay jirto duruuf shaki badan xambaarsan oo ku saabsan in la diley.

Shuki ayaa maydkeeda laga helay webiga River Irwell ee magaalada Manchester duleedkeeda ku taalla ee Bury kaddib markii ay la baxday dhallinyaro ay isku fasal ahaayeen.

Qaar kale oo ku fasal ah iyo qoyskeeda ayaa sheegay in iskuulka ay ugu hanjabi jireen dhallinyaro kale oo si joogto ah u beegsan jirey iyaga oo maagaya ama cunsuriyad kula kacaya.

Waxay dadkii dibed baxayey wateen boorar ay ku dhigan tahay “Justice for Shukri Abdi” iyo “Black Lives Matter,” waxaana London ka dhacay dibedbax lagu dalbanayo in kiiskeeda oo aan helin baaris cadaalad ah oo ku filan dib loo furo, waloow uu Duqa Magaalada, Andy Burnham, uu dalbaday in arrintan wax laga qabto.

Dibedbaxyada kale ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Britain sida Bristol, Cardiff iyo Manchester, iyada oo kuwo kale laga filayo Canada iyo Maraykanka.

Zamzam Ibrahim, oo ka mid ah agaasimayaasha ayaa sheegtay inay kumannaan dad ihi kasoo qayb galeen dibedbaxa, maadaama ay isu arkaan Shukri oo kale, oo ay jiraan kumanaan gabdho madow ah oo la kulma xoog-sheegasho iyo meel ka dhac, iyagoo ku jira da’dii koritaanka.

Waxaa dadka dibedbaxa sii caalamiyoobaya ee Shukri taageeray iyo guud ahaanba kiiskeeda dadka horay u taageeray ka mid ah jilaaga Star Wars ee John Boyega iyo rapper-ka Ice Cube oo hiillo u muujiyey qaddiyadda Shukri iyo qoyskeeda.

Hadalsame Media